+ -

عَنْ حُذَيْفَةَ رضي الله عنه قَالَ:
كُنْتُ مَعَ النَّبِيِّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ فَانْتَهَى إِلَى سُبَاطَةِ قَوْمٍ، فَبَالَ قَائِمًا، فَتَنَحَّيْتُ فَقَالَ: «ادْنُهْ» فَدَنَوْتُ حَتَّى قُمْتُ عِنْدَ عَقِبَيْهِ فَتَوَضَّأَ فَمَسَحَ عَلَى خُفَّيْهِ.

[صحيح] - [متفق عليه] - [صحيح مسلم: 273]
المزيــد ...

Xudeyfa Binu Yamaani -Allaha ka raali ahaadee- wuxuu yiri:
Nabigaan -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- ayaan raacay wuxuuna gaaray qashin qub reerood , isagoo taagan ayuu kaadshay, waan ka fogaaday wuxuu igu yiri: "soo dhawow" waana u soo dhawaaday ilaa aan istaagay cirbihiisa, wuuna wayso qaatay wuuna masaxay labadiisa khuf.

[Xadiis Saxiix ah] - [Xadiis la isku waafaqay] - [Saxiix Muslim - 273]

Sharraxaad

Wuxuu sheegay Xudeyfa Binu Yamaaani -Allaha ka raali ahaado isaga iyo aabihiye- inuu Nabiga nabad iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee- inuu raacay, oo Nabigu scw uu damcay inuu kaadsho, wuxuuna galay qashin qub reerood, waana meesha lagu tuuro qashinka iyo ciida laga soo xaaqo guryaha, wuuna ku kaadshay isagoo taagan, dhaqankiisuna sida badan wuxuu ahaa inuu fadhiga ku kaadsho.
Xudayfa wuu ka dheeraaday Nabiga scw, markaasaa Rasuulka-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuuna ku yiri: soo dhawow, wuuna u soo dhawaaday ilaa uu istaagay gadaashiisa oo ciribtiisa agteeda ah, si uu ugu noqdo sida sutrada oo kale.
Ka dibna wuu wayso qaatay Rasuulku -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- markii la gaaray lugaha dhaqidooda wuxuu ku gaabsaday masixida khufkiisa waana wax la gashado lugta oo ah sida maqaar jilicsan iyo wixii la mida waana inuu asturo qoobka uusana siibin.

Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish Indunuusi Luqadda iigoorka Luqadda Bengaaliga Faransiis Luqadda Turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda Hindida Luqadda Shiinaha Luqadda Faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda Tajaluga Kurdiga Hawsaha Boortaqiis Malayaalim Telgoo Sawaaxili Taylaand Luqadda bushtuuga Asaami Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Yorba Luqadda dariya Luqadda roomaaniya Oromo
Bandhigga tarjumada.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Waa sharci masixitaanka labada khuf.
  2. Way banaan tahay in taagnida lagu kaadsho hadaanay qofka kaadidu soo gaarayn.
  3. Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee wuxuu doortay meel qashin qub ah waana meesha qashinka lagu daadsho waayo sida badan waa meel sahlan oo kaadidu aysan ku soo laaban qofka kaadinaaya.