عَنْ أَبِي سَعِيدٍ الْخُدْرِيِّ رضي الله عنه عَنِ النَّبِيِّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ:
«إِنَّ الدُّنْيَا حُلْوَةٌ خَضِرَةٌ، وَإِنَّ اللهَ مُسْتَخْلِفُكُمْ فِيهَا، فَيَنْظُرُ كَيْفَ تَعْمَلُونَ، فَاتَّقُوا الدُّنْيَا وَاتَّقُوا النِّسَاءَ، فَإِنَّ أَوَّلَ فِتْنَةِ بَنِي إِسْرَائِيلَ كَانَتْ فِي النِّسَاءِ».
[صحيح] - [رواه مسلم] - [صحيح مسلم: 2742]
المزيــد ...
Abii Saciid al Khudri Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey in Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri:
"Aduunyadu waa macaan cagaaran, Ilaahayna idinkuu idiin dhiibay, wuxuuna fiirin waxaad ku samaysaan, Aduunyada iska jira Dumarkana iska jira, fitnadii reer Bani Israa'iil lagu fitneeyey ee ugu horaysay Dumarkay ahayd".
[Xadiis Saxiix ah] - [Waxa wariyay Muslim] - [Saxiix Muslim - 2742]
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey inay Aduunyadu dhadhan macaan tahay, aragana cagaar u tahay, dadkuna way ku kadsoomayaan, oo isku sii daynayaan macaankeeda, hamigiisa ugu wayna iyaduu ka dhigayaa. Ilaahayna isagaa nusqaan ka hufane wuxuu inaga yeelay in qaarkeenba qaarka kale uga danbeeyo Aduunyada, si uu Ilaahay u eego waxa aynu samaynayno, inaan isaga adeecayno iyo inaan ku caasiyeyno. Ka dib wuxuu yiri: ka digtoonaada inaad ku sirtoontaan raaxada Aduunyada iyo quruxdeeda, oo ay idin gaarsiiso inaad ka tagtaan wuxuu Ilaahay idin faray, oo aad ku dhacdaan wuxuu idinka reebay. Fitnada Aduunyada ugu weyn ee ay waajibka tahay in laga digtoonaadaa waa fitnada Dumarka, iyadayna ahayd fitnadii ugu horaysey ee reer Bani Israa'iil ay ku dhacaan.