عن عبد الله بن عمرو بن العاص رضي الله عنهما عن النبي صلى الله عليه وسلم قال:
«الْكَبَائِرُ: الْإِشْرَاكُ بِاللهِ، وَعُقُوقُ الْوَالِدَيْنِ، وَقَتْلُ النَّفْسِ، وَالْيَمِينُ الْغَمُوسُ».
[صحيح] - [رواه البخاري] - [صحيح البخاري: 6675]
المزيــد ...
Cabdullaahi Camar Binu Caas Allaha ka raali ahaado isaga iyo Aabihiye waxaa laga wariyey in Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri:
"Dambiyad waawayni waa: Ilaahay oo loo shariik yeelo, Waalid caasiga, Naf la dilo iyo dhaar badanaha".
[Xadiis Saxiix ah] - [Waxa wariyay Albukhaari] - [Saxiix AlBukhaari - 6675]
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey dambiyada waawayn, waana kuwa loo balan qaaday cida samaysa ciqaab adag oo Aduunyada iyo Aakhiraba ah.
Tan koowaad: Ilaahay oo loo shariig yeelo: waana cibaadada noocay doontaba ha ahaate oo loo leexiyo cid aan Ilaahay ahayn, iyo Isaga oo lala simo wax aan Isaga ahayn wax yaabaha uu keligii xaq u leeyahay sida Ilaahnimadiisa, Rabinimadiisa, magacyadiisa iyo tilmaamihiisa wanaagsan.
Tan labaad: waa Waalid caasiga: waana wax kasta oo labada Waalid dhib ku ah, oo ah hadal ama ficil, iyo u samafalkooda oo laga tago.
Tan seddexaad waa Naf la dilo: taasoo ah xaq daro, sida dilka dulmiga iyo cadaawada ah.
Tan afraad, waa dhaar badanaha: waa mida lagu dhaaranayo Beenta loo bareerayo, waxaana sidaa loogu magacaabay, waxay dhaar badanaha quusinaysaa dambi ama Naar.