+ -

عَنْ عَبْدِ اللَّهِ بْنِ عَمْرٍو رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُمَا عَنِ النَّبِيِّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ:
«المُسْلِمُ مَنْ سَلِمَ المُسْلِمُونَ مِنْ لِسَانِهِ وَيَدِهِ، وَالمُهَاجِرُ مَنْ هَجَرَ مَا نَهَى اللَّهُ عَنْهُ».

[صحيح] - [متفق عليه] - [صحيح البخاري: 10]
المزيــد ...

Cabdullaahi Binu Camar -Allaha ka raali ahaado- isaga iyo Aabihiye waxaa laga wariyey in Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri:
"Muslimku waa Qofka ay Mslimiintu ka nabad galeen Carabkiisa iyo Gacantiisaba, Muhaajirkuna waa Qofka ka dheeraada wixii Ilaahay ka reebay."

[Xadiis Saxiix ah] - [Xadiis la isku waafaqay] - [Saxiix AlBukhaari - 10]

Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Muslimka Islaamnimadiisu kaamilka tahay uu yahay midka Muslimiintu ka nabad galaan Carabkiisa ee aan caayin, oo nacaladin, oo xamanin, oo dadka la dhex qaadin wax dhib ah oo uu ka gaysto carabkiisa. Muslimiintuna ka nabad galaan Gacantiisa oo aan ku xad gudbin, oo aan ku qaadan xoolahooda xaq daro, iyo wixii la mida. Muhaajirkuna waa Qofka ka dheeraada waxa uu Ilaahay ka xarimay.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. kaamilnimada Islaamka la ma gaaro in dadka dhibka laga daayo si Maadi ahaana iyo macnawi ahaanaba mooyee.
  2. Carabka iyo Gacanta waxaa si gaara loogu xusay, gafkooda iyo dhibaatadooda oo badan, waayo sharta ugu badan iyagay ka timaadaa.
  3. waxaa la isku boorinayaa in laga tago macaasida oo lagu sugnaado wixii Ilaahay faray.
  4. Muslimiinta waxaa ugu fadli badan Qofkii guta xaqa Ilaahay leeyahay iyo xuquuqda Muslimiinta.
  5. Xadgudubku wuxuu noqon karaa hadal ama ficil.
  6. Hijrada kaamilka ahi waa in laga tago wixii Ilaahay xarimay.
Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish Indunuusi Luqadda iigoorka Luqadda Bengaaliga Faransiis Luqadda Turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda Hindida Luqadda Shiinaha Luqadda Faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda Tajaluga Kurdiga Hawsaha Boortaqiis Malayaalim Telgoo Sawaaxili Taylaand Luqadda bushtuuga Asaami Albaani Luqadda iswiidhen Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Yorba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda serbiga Ruwanda Luqadda roomaaniya Luqadda hangeriga Luqadda jeegga الموري Malgaashi Oromo Luqadda kinaadiga الولوف Adrabijaan Luqadda yukreyn الجورجية المقدونية
Bandhigga tarjumada.