عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رضي الله عنه عَنِ النَّبِيِّ صلى الله عليه وسلم قَالَ:
«إِيَّاكُمْ وَالظَّنَّ؛ فَإِنَّ الظَّنَّ أَكْذَبُ الْحَدِيثِ، وَلَا تَحَسَّسُوا، وَلَا تَجَسَّسُوا، وَلَا تَحَاسَدُوا، وَلَا تَدَابَرُوا، وَلَا تَبَاغَضُوا، وَكُونُوا عِبَادَ اللهِ إِخْوَانًا».
[صحيح] - [متفق عليه] - [صحيح البخاري: 6064]
المزيــد ...
Abii Hureyra -Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey in Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri:
"Waxaan idiinka digayaa malaha, waayo maluhu waa warka ugu beenta badan, dadka ha baar baarina, ha basaasina, oo ha is xasdina, hana kala jeensanina, hana isku caroonina, Adoomada Ilaahay oo Walaalaa ahaada".
[Xadiis Saxiix ah] - [Xadiis la isku waafaqay] - [Saxiix AlBukhaari - 6064]
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu reebey kana digay wax yaabaha u keena Muslimiinta kala fogaanta iyo cadaawada. Waxaana ka mid ah:
(Malaha), waana tuhun ku dhaca Qalbiga daliilna aan lahayn, wuxuuna cadeeyey, inuu yahay war kan ugu beenta badan.
(Ceebo raadintu): waa Qofka oo ku raadiya isha ama dhagta ceebaha dadka.
Iyo (basaasida): waa baarida umuuraha dadka u qarsoon, inta badana waxaa laga sheegaa waa sharka.
Iyo (Xasadka): waa Qofka oo uurka ka naca dadka kale inay nicmo helaan.
Iyo (isu daba jeedin): waa dadka oo is naca oo midba mid ka jeensado, oo uusan salaamin oo siyaaran Walaalkiisa Muslimka ah.
Iyo (isku carood): waa in la is karho oo la kala dido, sida in dad kale la dhibo iyo in si xun loo qaabilo.
Ka dib wuxuu yiri hadal guud ee xaalka wadajirka Muslimiintu ku hagaagayo, wuxuu yiri: (ahaada Adoomo Ilaahay oo Walaalo ah). Walaaltinimadu waxay isku xidhaa xiriirka dadka ka dhexeeya, waxayna kordhisaa is jacaylka iyo isku duubnaanta dadka.