عَنْ صُهَيْبٍ رضي الله عنه قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ:
«عَجَبًا لِأَمْرِ الْمُؤْمِنِ، إِنَّ أَمْرَهُ كُلَّهُ خَيْرٌ، وَلَيْسَ ذَاكَ لِأَحَدٍ إِلَّا لِلْمُؤْمِنِ، إِنْ أَصَابَتْهُ سَرَّاءُ شَكَرَ، فَكَانَ خَيْرًا لَهُ، وَإِنْ أَصَابَتْهُ ضَرَّاءُ صَبَرَ، فَكَانَ خَيْرًا لَهُ».
[صحيح] - [رواه مسلم] - [صحيح مسلم: 2999]
المزيــد ...
Suheyb Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri:
"Muuminka xaalkiisu yaab ayuu leeyahay, arimihiisa oo dhan waa khayr, sidaasina Muuminka maahee cid kale uma sugnaan, haduu khayr helo wuu ku mahadin, khayr ayeyna u ahaanaysaa, hadii dhibaato ku dhacdana wuu sabrayaa, oo khayr ayeyna u noqonaysaa.
[Xadiis Saxiix ah] - [Waxa wariyay Muslim] - [Saxiix Muslim - 2999]
Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu la yaabay Muuminka arinkiisa iyo axwaashiisa, isagoo-Rasuulku- jeclaysanaya arinkaa, waayo xaalkiisoo dhan baa kheyr wada ah, Muuminka maahee cid kale uma sugna arinkaasi, Hadii wax farxad leh uu helo wuu ka mahadin markaasuu mahad naqaas ka helayaa ajar. Hadii dhib ku dhacona wuu ku sabraa oo Ilaahay ayuu ajar ka helayaa, wuxuuna sabirkaa ka helayaa ajar, sidaa awgeed mar walba wuxuu helayaa ajar.