عن أبي هريرة رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم:
«لَأَنْ أَقُولَ: سُبْحَانَ اللهِ، وَالْحَمْدُ لِلهِ، وَلَا إِلَهَ إِلَّا اللهُ، وَاللهُ أَكْبَرُ، أَحَبُّ إِلَيَّ مِمَّا طَلَعَتْ عَلَيْهِ الشَّمْسُ».
[صحيح] - [رواه مسلم] - [صحيح مسلم: 2695]
المزيــد ...
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri:
"Inaan iraahdo: subxaana Allaahi, wal-xamdu lillaahi, walaa Ilaaha ilaa Allaahu, wallaahu Akbar, ayaan ka jeclahay inta Qoraxdu u soo baxdo oo dhan"ه
[Xadiis Saxiix ah] - [Waxa wariyay Muslim] - [Saxiix Muslim - 2695]
Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in dikriga Ilaahay ee ereyadaan waawayn ah ay ka khayr badan yihiin Aduunyada iyo waxa dhex yaalla, oo ah:
"Subxaana Allaah" Ilaahay Isagaa nusqaan oo dhan ka hufan.
"Alxamdu lillaahi" Ilaahay Isagaa ku amaanan sifaadkiisa kaamilka ah oo maxabadiisa iyo waynaantiisu la jirto.
"Laa ilaaha Ilaa Allaah" ma jiro Ilaah xaq lagu caabudo oo aan Ilaahay ahayn.
"Allaahu akbar" Ilaahay ayaa wax walba ka wayn.