+ -

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رضي الله عنه عَنِ النَّبِيِّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ:
«لاَ تَقُومُ السَّاعَةُ حَتَّى يَمُرَّ الرَّجُلُ بِقَبْرِ الرَّجُلِ فَيَقُولُ: يَا لَيْتَنِي مَكَانَهُ».

[صحيح] - [متفق عليه]
المزيــد ...

Abii Hurayra-Allaha ka raali ahaadee- Nabiga- naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu ka wariyey inuu yiri:
"Saacada qiyaame dhicimayso ilaa ninku soo maro nin qabrigi oo uu yiraahdo: hoogaye maan booskiisa ku jiro.

Xadiis Saxiix ah. - Xadiis la isku waafaqay

Sharaxaad

Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu ka sheegay in saacada qiyaame aysan dhacayn, ilaa uu ninku soo maro qabri oo uu jeclaado inuu isagu noqdo midka qabriga ku jira, sababtuna waa cabsida uu ka qabo inuu diintiisa seego, oo baadilka iyo dadkiisu ka tan badiyaan, waayo waxaa muuqday oo xoog leh fitanta, macaasida iyo munkarka.

Tarjamada: Ingriisi Urduu Indooniisi Luqadda iigoorka Luqadda turkiga. Luqadda Sanhaaliga Luqadda hindida Luqadda fiitnaam Luqadda hawsaha Luqadda talgu Luqadda sawaaxiliga Luqadda boomiyaanka Luqadda taylandiga Luqadda bushtuuga Luqadda asaamii Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Luqadda yuruuba Luqadda dariya Luqadda kiniya ruwadiga
Bandhigga tarjamada.

Faa,iidooyinka xaddiiska laga faa,iidaysanayo waxaa kamid ah.

  1. Waxaa la sheegay inay macaasida iyo fitanku aad u badan doonaan aakhiru samaanka.
  2. Waxaa lagu boorinayaa dadka digtoonaan, oo dhimashada ugu diyaar garoobaan iimaan iyo camalka saalixa ah, kana fogaadaan goobaha fitanka iyo balaayada.