+ -

عَن أَبِي هُرَيْرَةَ رضي الله عنه قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ:
«يُسَلِّمُ الرَّاكِبُ عَلَى المَاشِي، وَالمَاشِي عَلَى القَاعِدِ، وَالقَلِيلُ عَلَى الكَثِيرِ».

[صحيح] - [متفق عليه]
المزيــد ...

Abii Hureyra-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-wuxuu yiri:
"Qofka gaadiidka saaran ayaa salaamaya kan lugaynaya, kan lugaynayana wuxuu salaamayaa kan fadhiya, dadka tirada yarina kuwa tirada badan bay salaamayaan."

Xadiis Saxiix ah. - Xadiis la isku waafaqay

Sharaxaad

Nabigu naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-dadka wuxuu baray aadaabta dadku isu salaamaan, taasoo ah "Asalaamu calaykum wa raxmatu Alaah wa barakaatuh", Qofka yari wuxuu salaamayaa kan wayn, kan wax fuushana kan lugaynayana, kan lugaynayana kan fadhiya, kuwa tirada yarna kuwa tirada badan.

Tarjamada: Ingriisi Urduu Luqadda isbaanishka Indooniisi Luqadda iigoorka Luqadda bengaaliga Faransiis Luqadda turkiga. Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda hindida Luqadda shiinaha Luqadda faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda tajaluga Luqadda kurdiga Luqadda hawsaha Luqadda boorta qiiska Luqadda sawaaxiliga Luqadda bushtuuga Luqadda asaamii Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Luqadda yuruuba Luqadda dariya
Bandhigga tarjamada.

Faa,iidooyinka xaddiiska laga faa,iidaysanayo waxaa kamid ah.

  1. Waxaa suno ah in la isku salaamo qaabka xadiisku sheegay, haduuse kan socdaa salaamo kan wax fuushan iyo intii xaga hore lagu sheegayba, way banaan tahay laakiin way khilaafsan tahay sida saxda ah ee fadliga badan.
  2. Salaanta oo loo faafiyo sida xadiiska ku sugan waa sababta keenta is jacaylka iyo isku duubnida.
  3. Haday isu dhigmaan oo siman yihiin, sida la soo dheegay, waxaa khayr badan hadba kii bilaaba salaanta.
  4. shareecada Islaamku waa mid kaamil ah oo cadaynaysa wax walba oo dadku u baahan yahay.
  5. Waa in dadka la baro aadabta salaanta oo qof walba oo xaq lehna xaqiisa la siiyo.