+ -

عَنِ ابْنِ عُمَرَ رضي الله عنهما أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ:
«أُمِرْتُ أَنْ أُقَاتِلَ النَّاسَ حَتَّى يَشْهَدُوا أَنْ لاَ إِلَهَ إِلَّا اللَّهُ، وَأَنَّ مُحَمَّدًا رَسُولُ اللَّهِ، وَيُقِيمُوا الصَّلاَةَ، وَيُؤْتُوا الزَّكَاةَ، فَإِذَا فَعَلُوا ذَلِكَ عَصَمُوا مِنِّي دِمَاءَهُمْ وَأَمْوَالَهُمْ إِلَّا بِحَقِّ الإِسْلاَمِ، وَحِسَابُهُمْ عَلَى اللَّهِ».

[صحيح] - [متفق عليه]
المزيــد ...

Cabdullaahi Binu Cumar -Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay ayaa yiri:
"waxaa la i faray inaan dadka la dagaalamo ilaa ay qirayaan in Ilaahay maahee Ilaah kaloo xaq lagu caabudaa uusan jirin, Maxamadna Rasuulka Ilaahay soo diray yahay, salaadana oogaan, sakadana bixiyaan, intaa markay sameeyaan waxay iga ilaaliyeen dhiigooda iyo maalkooda, xaqa Islaamku saaray maahee, xisaabtooda aakhirana Ilaahay ayey u taalaa."

Xadiis Saxiix ah. - Waa laysku waafaqay Xadiiska Riwaayadiisa dhamaan.

Sharaxaad

Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu sheegay inuu Ilaahay amray inuu la dagaalamo mushrikiinta ilaa ay qiraan inuusan jirin macbuud xaq lagu caabudo oo aan Allah wayn ee waaxid ka ah ahayn, wax lala wadaajiyaana aanu jirin, Nabi Maxamadna uga markhaati kacaan in Rasuul Ilaahay u soo dhiibay risaalada diinta, shahaadadaasi waxay keenaysona ku camal falaan sida ilaalinta salaadaha shanta ah ee habeenka iyo maalinta la gudanaayo, iyo inay bixiyaan sakada waajibka ah, iyadoo la siinayo kuwa xaqa u leh. Haday sameeyaan arimahaa kor ku xusan diinta Islaamku way ilaalinaysaa dhiigooda iyo maalkooda, mana banaana dilkoodu inay fal dambiyeed ama jariimo ay dil mutaystaan ku dhacaan maahee iyadoo lagu xukumaayo shareecada Islaamka, maalinta qiyaamahana Ilaahay ayaa iska leh xisaabtooda, isagaa og sirtooda iyo waxa u qarsoone.

Tarjamada: Ingriisi Urduu Luqadda isbaanishka Indooniisi Luqadda iigoorka Luqadda bengaaliga Faransiis Luqadda turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda hindida Luqadda shiinaha Luqadda faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda tajaluga Luqadda kurdiga Luqadda hawsaha Luqadda boorta qiiska Luqadda sawaaxiliga Luqadda bushtuuga Luqadda asaamii Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Luqadda yuruuba Luqadda dariya
Bandhigga tarjamada.

Faa,iidooyinka xaddiiska laga faa,iidaysanayo waxaa kamid ah.

  1. Axkaanta Islaamka waxaa la xukumaa waxa dadka ka muuqda, wixii qarsoona Ilaahay ayaa xukumaaya.
  2. Tawxiidka in dadka loogu yeero waa muhiim isagaana u horeeya dacwada Islaamka.
  3. Xadiiskaan loogama jeedo in gaalada diinta lagu khasbo, balse khiyaar ayey u leeyihiin, inay Islaamka soo galaan ama ay Jisyo bixiyaan, hadii aysan joojin la dagaalanka dacwada Islaamka in sharciga Islaamka lagula dagaalamo ayey noqonaysaa.