عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ قَالَ: قَالَ النَّبِيُّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ:
«السَّاعِي عَلَى الأَرْمَلَةِ وَالمِسْكِينِ، كَالْمُجَاهِدِ فِي سَبِيلِ اللَّهِ، أَوِ القَائِمِ اللَّيْلَ الصَّائِمِ النَّهَارَ».
[صحيح] - [متفق عليه] - [صحيح البخاري: 5661]
المزيــد ...
Abii Hureyra-Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri:
"Qofka u adeega Garoobka iyo Miskiinka, wuxuu la mid yahay Mujaahidka jidka Ilaahay u dagaalamaa, ama Qof Habeenkiina cibaado u taagan Maalintiina Sooman".
[Xadiis Saxiix ah] - [Xadiis la isku waafaqay] - [Saxiix AlBukhaari - 5661]
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay Qofka ka shaqeeya danaha Dumarka Ragoodu ka dhintay cid u miciintana haysan, iyo Miskiinka baahidu hayso, wax siiya isagoo Ilaahay uun ajar kaga raba, Qofkaasi xaga ajarka wuxuu la mid yahay Mujaahidka Ilaahay dartii u dagaalamaya, ama Qofka Salaad Tahajudka u taagan ee aan daalayn, oo Sooman oo aan afurayn