+ -

عَن أَبِي أُمَامَةَ رضي الله عنه قَالَ: سَمِعْتَ رَسُولَ اللهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَخْطُبُ فِي حَجَّةِ الوَدَاعِ فَقَالَ:
«اتَّقُوا اللَّهَ رَبَّكُمْ، وَصَلُّوا خَمْسَكُمْ، وَصُومُوا شَهْرَكُمْ، وَأَدُّوا زَكَاةَ أَمْوَالِكُمْ، وَأَطِيعُوا ذَا أَمْرِكُمْ تَدْخُلُوا جَنَّةَ رَبِّكُمْ».

[صحيح] - [رواه الترمذي وأحمد]
المزيــد ...

Abii Umaama-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay ayaan ka maqlay-naxariis iyo nabadi korkiisa ah ahaatee- isagoo khudba akhriyaaya xajkii Alwadaac wuxuuna yiri:
"Allaha Rabigiina ah ka baqa, shantiina salaadoodna tukada, bishiinana sooma, sakada maalkiinana bixiya, madaxdiinana adeeca janada Rabigiin baad galaysaane."

Xadiis Saxiix ah. - Waxaa wariyay Ibnu Xibbaan.

Sharaxaad

Nabiga ayaa khudbeeyey maalintii carafa ee xajkii Alwadaac ee sanadkii tobnaad ee hijrada, waxaana magaca xajatu-Alwadaac loogu bixiyey, Nabigaa -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee dadka sagootiyey xajkaa dhexdiisa, Dadkana dhamaantood wuxuu faray inay Rabigood ka baqaan, una hogaansamaya waxa uu amray, kana fogaanaya waxa uu ka reebay. Salaadaha shanta ah ee Ilaahay habeenkii iyo maalintii ku waajibiyeyna tukadaan. Bisha ramadaana ay soomaan. Sakada xoolohoodana inaysan ku bakhaylin oo ay siiyaan kuwa xaqa u leh. Kuwa Ilaahay madaxda uga dhigay waa inay ku adeecaan wixii aan macsi Ilaahay ahayn Qofka sameeya wax yaabahaa la soo xusay abaal gudkiisu waa janada oo uu galo.

Tarjamada: Ingriisi Urduu Luqadda isbaanishka Indooniisi Luqadda iigoorka Luqadda bengaaliga Faransiis Luqadda turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda hindida Luqadda shiinaha Luqadda faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda tajaluga Luqadda kurdiga Luqadda hawsaha Luqadda boorta qiiska Luqadda sawaaxiliga Luqadda bushtuuga Luqadda asaamii Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Luqadda yuruuba Luqadda dariya
Bandhigga tarjamada.

Faa,iidooyinka xaddiiska laga faa,iidaysanayo waxaa kamid ah.

  1. Acmaashaani waxay sabab u tahay janada galideeda.