عَن عبدِ اللهِ بن خُبَيب رضي الله عنه أنه قال:
خَرَجْنَا فِي لَيْلَةٍ مَطِيرَةٍ وَظُلْمَةٍ شَدِيدَةٍ، نَطْلُبُ رَسُولَ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ؛ يُصَلِّي لَنَا، قَالَ: فَأَدْرَكْتُهُ، فَقَالَ: «قُلْ»، فَلَمْ أَقُلْ شَيْئًا، ثُمَّ قَالَ: «قُلْ»، فَلَمْ أَقُلْ شَيْئًا، قَالَ: «قُلْ»، فَقُلْتُ: مَا أَقُولُ؟ قَالَ: «{قُلْ هُوَ اللهُ أَحَدٌ} وَالْمُعَوِّذَتَيْنِ حِينَ تُمْسِي وَتُصْبِحُ ثَلَاثَ مَرَّاتٍ، تَكْفِيكَ مِنْ كُلِّ شَيْءٍ».
[صحيح] - [رواه أبو داود والترمذي والنسائي] - [سنن الترمذي: 3575]
المزيــد ...
Cabdullaahi Binu Khubayb Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri:
Waxaan soo baxnay habeen Roob da'ayo, oo Gudcur ah, anagoo Rasuulka Ilaahay raadinayna si uu noo tujiyo, wuxuu yiri: waan helnay, wuxuuna yiri: "dheh", waxba maana dhihin, wuxuu yiri: "dheh", waxba maana dhihin, wuxuu yiri: "dheh", waxaan iri: maxaan dhahaa? wuxuu yiri: dheh: {قل هو الله أحد} Ilaahay waa Allaah keligii ah-, iyo labada Suuradood ee Micwadateynka "سورة الفلق iyo سورة الناس"
Galabtii iyo Subixii sedeex jeer, way kaaga filan tahay wax walba".
[Xadiis Saxiix ah] - [waxaa wariyey Abuu daawuud,tirmidi, iyo nasaa.i] - [Sunan At-tirmidi - 3575]
Wuxuu sheegay Saxaabiga weyn ee Cabdullaahi Binu Khubayb-Allaha ka raali ahaadee-: inay bexeen Habeen Roob badan oo Gudcur ah, iyagoo raadinaya Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, si uu u tujiyo, wayna heleen, Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku yiri: waxaad dhahdaa ''dheh'' oo uu uga jeeday akhri, waxbana ma akhrin, Nabiguna nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuu ku celiyey hadalkiisa, wuxuuna dhahay Cabdullaahi: maxaan akhriyaa Rasuul Ilaahayow? Nabigu wuxuu yiri: akhri suuradaha: {Al-ikhlaas}, {Al-falaq}, {Anaas}, waqtiga Galabta iyo waqtiga Subaxa, seddex jeer-midiiba-, waxay kaa ilaalin wax walba, xumaan oo dhana way kaa ilaaline.