عن معاوية رضي الله عنه قال: سمعت النبي صلى الله عليه وسلم يقول:
«مَنْ يُرِدِ اللهُ بِهِ خَيْرًا يُفَقِّهْهُ فِي الدِّينِ، وَإِنَّمَا أَنَا قَاسِمٌ، وَاللهُ يُعْطِي، وَلَنْ تَزَالَ هَذِهِ الْأُمَّةُ قَائِمَةً عَلَى أَمْرِ اللهِ، لَا يَضُرُّهُمْ مَنْ خَالَفَهُمْ، حَتَّى يَأْتِيَ أَمْرُ اللهِ».
[صحيح] - [متفق عليه] - [صحيح البخاري: 71]
المزيــد ...
Mucaawiye Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: waxaan ka maqlay Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isagoo dhahaya:
"Qofka Ilaahay la doono khayr Diinta ayuu fahamsiiyaa, anigu qaybiye ayaan ahay, Ilaahay ayaa wax bixiya, Ummaddaani ka suulimayso inay xaqa ku taagan tahay mana dhibayso cidii khilaafta ilaa amarka Ilaahay yimaado".
[Xadiis Saxiix ah] - [Xadiis la isku waafaqay] - [Saxiix AlBukhaari - 71]
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay Qofka Ilaahay khayr la doono inuu ku irsaaqo fahamka Diinta, Nabiguna nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yahay mid u qaybiya dadka waxa Ilaahay bixiyo ee risiq iyo cilmi iyo wixii kaleba, irsaaqad bixiyaha dhabta ahina waa Ilaahay, wixii Ilaahay ka soo harayna waa asbaab aan waxba tarayn in Ilaahay u idmo maahee, ummaddaanina ka tagimayso inay amarka Ilaahay ku taagan tahay, mana dhibayso cidii khilaataa ilaa Qiyaamuhu dhoco.