+ -

عن المِقدام بن معدي كرب رضي الله عنه عن النبي صلى الله عليه وسلم قال:
«إِذَا أَحَبَّ الرَّجُلُ أَخَاهُ فَلْيُخْبِرْهُ أَنَّهُ يُحِبُّهُ».

[صحيح] - [رواه أبو داود والترمذي والنسائي في السنن الكبرى وأحمد] - [سنن أبي داود: 5124]
المزيــد ...

Miqdaam Binu Macdi Karib Allaha ka raali ahaade wuxuu Nabiga scw ka wariyey inuu yiri:
(Hadii qofku Ilaahey darti u jeclaado walaalkiisa muslimka ah ha u sheego inuu jecel yahay).

[Xadiis Saxiix ah] - [Waxa wariyay Abuu Daa'uud, Tirmidi, Nisaa'i Sunan kubraa, iyo Ahmed] - [Sunan Abii Daa'uud - 5124]

Sharraxaad

Nabigu scw wuxuu cadeeyey mid ka mida sababaha xoojinaya xiriirka muuminiinta iyo is jacaylkooda, taasoo ah hadii qof jeclaado walaalki ha u sheego inuu jecel yahay.

Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish Indunuusi Luqadda iigoorka Luqadda Bengaaliga Faransiis Luqadda Turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda Hindida Luqadda Shiinaha Luqadda Faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda Tajaluga Kurdiga Hawsaha Boortaqiis Malayaalim Telgoo Sawaaxili Taymaali Boorma Taylaand Jarmal Japan Luqadda bushtuuga Asaami Albaani Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Yorba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda serbiga Luqadda daajiika Ruwanda Luqadda roomaaniya Luqadda hangeriga Luqadda jeegga Malgaashi Talyaani Oromo Luqadda kinaadiga Adrabijaan Luqadda usbiika Luqadda yukreyn
Bandhigga tarjumada.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Fadliga ay leedahay maxabada Ilaahay darti u khaaliska ah, ee aysan ku jirin maslaxad aduun.
  2. Waa suno in loo sheego kan Ilaahay darti loo jecel yahay, jacaylka loo qabo, si uu u sii korodho jaceylka iyo isku duubnaantu.
  3. Muuminiinta in dhexdooda lagu faafiyo is jeclaanta waxay xoojisaa walaalnimada iimaaniga ah waxayna bulshada ka ilaalisaa inay kala furato oo kala tagto.