عن أبي هريرة رضي الله عنه:
أَنَّ رَجُلًا قَالَ لِلنَّبِيِّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: أَوْصِنِي، قَالَ: «لَا تَغْضَبْ» فَرَدَّدَ مِرَارًا قَالَ: «لَا تَغْضَبْ».
[صحيح] - [رواه البخاري] - [صحيح البخاري: 6116]
المزيــد ...
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey-:
Nin ayaa ku yiri Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee: ii dardaaran, wuxuu ku yiri; " ha caroon " wuu ku celceliyey dhowr jeer wuxuuna ku yiri: " ha caroon ".
[Xadiis Saxiix ah] - [Waxa wariyay Albukhaari] - [Saxiix AlBukhaari - 6116]
Asaxaabta Nabiga mid ka mida ayaa waydiistay Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inuu tuso wax anfacaya, wuxuu faray inaanu caroon, oo macnaheedu yahay inuu ka fogaado sababta u keenaysa carada, iyo inuu naftiisa hanto markuu caroodo, oo aanu ku sii socon caradiisa oo aanay gaarsiin inuu wax dilo ama garaaco, ama caayo, iyo wixii la mida.
Ninku waa ku celceliyey codsigiisa uu dardaaranka ku rabay dhowr jeer, Nabiguna nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ka ma siyaadin ereygii ahaa " "ha caroon ".