79Liiska Axaadiista

Liiska Axaadiista 79

1. Ilaahay casa wajala wuxuu idinka reebay inaad ku dhaarataan aabayaashiin
2. Waxa ugu horeeya ee dadka loo kala xukumaayo Maalinta Qiyaamaha waa Dhiiga
3. labadaba waa lacadaabayaa, wax weyna lagu cadaabimaayo, mid Kaadida iskama duwi jirin, kan kalena dadka ayuu warka u kala qaadi jiray - 4 ملاحظة
4. Hadii aad maqashaan aadaanka, dhaha waxa mu'adinku dhahayo
5. iska daa, anoo weyso qaba ayaan geliyaye
6. taasi waa xidid dartiiye Salaada jooji qadarkii ayaamaha xaydku kugu dhici jiray, ka dibna ka qubayso oo Salaada tuko
7. Markuu wayso qaadanayo midkiin Biyaha Sankiisa ha geliyo hadana ha soo firdhiyo, Qofka dhagax ku istinjoodana dhagxaanta witir ha ka dhigo
8. Haduu ninku markuu soo gelayo Gurigiisa, ama uu cuntadiisa cunaayo, Shaydaanka wuxuu dhihin: halkan Hoy iyo Cashaba kuma lihin - 2 ملاحظة
9. Aduunyadu waa macaan cagaaran, Ilaahayna idinkuu idiin dhiibay, wuxuuna fiirin waxaad ku samaysaan, Aduunyada iska jira Dumarkana iska jira - 2 ملاحظة
10. Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waxaan ka xifdiyey toban Rakcadood
11. Miyaanu midkiin ka baqayn-ama midkiin miyaanu ka cabsanayn haduu Madaxiisa kor u soo qaadoImaamka ka hor in Ilaahay Madaxiisa ka dhigo Madax Dameer, ama uu Ilaahay Suuradiisa ka dhigo Suurad Dameer
12. Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee iyadoo calacashaydu ay saaran tahay labdiisa calaacalood ayuu i baray Ataxiyaadka, sida uu ii barayey Suurada Qur'aanka ah
13. Allahayow waxaan kaa magan gelayaa Cadaabta Qabriga, iyo Cadaabta Naarta, fitnada nolosha iyo dhimashada, iyo fitnada Masiixu Dajaal - 2 ملاحظة
14. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ahaa marka uu gelayo suuligo inuu dhaho: "Allahayow waxaan kaa magan gelayaa Shaydaanka kiisa lab iyo kiisa dhadigba
15. Waxaa imaan doona Naf jeclaysi iyo arimo aad diidi doontaan" waxay dheheen: Rasuulka Ilaahayow, maxaad nafariysaa? wuxuu yiri: "iska bixiya xaqa la idinku leeyahay, xaqiinana Ilaahay waydiista
16. Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee markuu Janaabo ka qabaysanayo wuxuu dhiqi jiray Gacmihiisa, wuxuuna u weyso qaadan jiray sida Salaada uu ugu weyso qaato, ka dibna wuu qubaysan jiray
17. Tusaalaha Qofka xuduuda Ilaahay ku taagan ee ilaalinaya Sharciga iyo midka ku dhacaya ee aan ka waabanayn,waa sida dad Doon u Qori tuurtay, oo qaar heleen xaga sare qaar xaga hoose - 8 ملاحظة
18. waxaan ahaa nin Madi badan Nabigana nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waan ka xishoon jiray, waayo Gabadhiisaan qabay, waxaan faray Miqdaad Binu Aswad, wuuna su`aalay wuxuuna yiri: xubintiisa taranka ha dhaqo hana wayso qaato
19. Hadhihina: hadii Ilaahay ogolaado Hebelna ogolaado, laakiin waxaad dhahdaan: hadii Ilaahay ogolaado ka dibna Hebel ogolaado
20. Janada galimaysaan ilaa aad rumaysaan, rumayna maysaan ilaa aad is jeclaataan, ma idin tusaa wax hadaad samaysaan aad is jeclaanaysaan? Salaanta dhexdiina ku faafiya - 2 ملاحظة
21. camalkee Ilaahay ugu jecel yahay? wuxuu yiri: ''waa salaadoo waqtigeeda la tukado'' wuxuu yiri: maxaa ku xiga? wuxuu yiri: '' labada waalid oo baari loo noqodo'' wuxuu yiri: maxaa ku xiga? wuxuu yiri: ''jidka Ilaahay oo lagu jihaado'' - 2 ملاحظة
22. Nin ayaa Bidixda ku cunay isagoo la jooga Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, wuxuu Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ku yiri: "midigtaada ku cun", wuxuuse yiri: ma awoodo, Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: " ha awoodin
23. Qofka dadka hanuun ugu yeera wuxuu helayaa ajarka ay helayaan dadka hanuunka ku raacay mid la mida, iyagoon ajarkooda laga nusqaamin
24. Baasaysigu waa shirki, baasaysigu waa shirki, baasaysigu waa shirki,-saddex jeer", qofkasta oo naga mid ah qalbigiisa wax baasaysiga ah baa ka dhacaaya laakiin Ilaahay wuxuu kaga dhaafaa tawakulka
25. waxaan ku dhahanay: adaa sayid kayaga ah, wuxuu yiri -Rasuulku scw-: "sayidku waa Allaah", waxaan dhahnay: adaa noogu fadli badan, noogu deeqsisan, wuxuu yiri: "waar hadalkiina caadiga ah dhaha, oo yaanu shaydaanku idin duufsan
26. dadoow, waxaan idiinka digayaa inaad diinta ku xad gudubtaan, dadkii idinka horeeyeyba waxay ku halaagsameen diinta oo ay ku xad gudbeen
27. adeerow, dheh: laa Ilaaha Ilaa Allaah, kalimadaas Ilaahay agtiisa inaan kaaga markhaati noqdo aan xujo ka dhigtee
28. Majirto is qaadsiini, majiro baaseysi, waxaanan jeclahay in wanaag la fisho", wuxuu yiri-Anas- waxaa lagu yiri Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee: waa maxay wanaag la fisho?, wuxuu yiri: "waa hadalka wanaagsan
29. Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate- wuxuu xaalka ansaar ka yiri: "mu`umin uun baa jeclaada, munaafaq uun baana u carooda, cida jeclaata Ilaahay ayaa jeclaada, cida u carootana Ilaahay ayaa u carooda
30. wuxuuna ugu wayso qaatay waysadii Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-
31. waxaa kugu filnaa inaad gacmahaaga sidan dhahdid ", wuxuuna hal mar ku dhiftay gacmihiisa dhulka, gacantiisa bidix ayuu ku masaxay tiisa midig, iyo labadiisa calaacalood oo dusha ah iyo wajigiisa
32. Aniga iyo Rasuulka -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-ayaa weel kaliya ku wada qubaysan jirnay anagoo janaabo qabna, wuxuu i fari jiray, inaan maro guntado, wuuna ila baashaali jiray anoo caado qaba
33. Waxaan balan kula galay Rasuulka Ilaahay-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-inaan qiro Ilaahay maahee inaan Ilaah kale uusan jirin, Maxamadna Rasuulka Ilaahay soodiray yahay, iyo salaada oo la oogo, sakada oo la bixiyo, iyo in la is maqalo oo la is adeeco iyo in muslim walba loo nasexeeyo
34. Allaha Rabigiina ah ka baqa, shantiina salaadoodna tukada, bishiinana sooma, sakada maalkiinana bixiya, madaxdiinana adeeca janada Rabigiin baad galaysaane
35. itus camal aan sameeyo oo janada aan ku galo, wuxuu ku yiri -Rasuulku-: Ilaahay ayaad caabudin waxbana la wadaajin maysid cibaadadiisa, salaadaha faralka ahna waad oogin, sakada waajibka ahna waad bixin, ramadaankana waad soomin - 2 ملاحظة
36. Ummaddayda dhamanteed waa laga cafin dambiyada kuwa xumaanta muujista maahee - 2 ملاحظة
37. ee maxaan kugula mubaayacoonaa? wuxuu yiri: "inaad Ilaahay caabudaan, wax kalena aydaan la caabudin, iyo salaadaha shanta ah, oo aad adeecdaan-hadal yar buu hoos u dhigay-dadkana waxba ha waydiisanina
38. waxaa la i faray inaan dadka la dagaalamo ilaa ay qirayaan in Ilaahay maahee Ilaah kaloo xaq lagu caabudaa uusan jirin, Maxamadna Rasuulka Ilaahay soo diray yahay, salaadana oogaan, sakadana bixiyaan
39. Qofka gaadiidka saaran ayaa salaamaya kan lugaynaya, kan lugaynayana wuxuu salaamayaa kan fadhiya, dadka tirada yarina kuwa tirada badan bay salaamayaan
40. Salaadda qofku uu jamac ku tukado waxay dheer tahay Salaadda Qofku ku tukado gurigiisa , ama Suuqiisa dhowr iyo labaatan derejo
41. Maalinta Qiyaame Qofku ma dhaqaaqayo ilaa la weydiiyo Cimrigiisii wuxuu ku dhameeyey, cilmigii Ilaahay baray wuxuu ku sameeyey, Maalkiisii halkuu ka keenay iyo halkuu ku bixiyey iyo Jirkiisii wuxuu ku dhameeyey
42. Ka warama haddii wabi marayo albaabka midkiin, oo ku qubaysanayo maalin walba shan jeer, uskag maku harayaa qofkaa? - 2 ملاحظة
43. Mu'uminiinta ee isjacaylkooda, isku naxariisashadoodu iyo isu dhimrintoodu, waxay la mid tahay sida jirka oo kale, oo hadii xubin xanuunsato jirka kale oo dhan uu la qabayaa soo jeedka iyo xanuunka - 8 ملاحظة
44. Fara caruurtiina salaadda markay gaaraan toddoba sano, kuna garaaca haday ka tagaan salaadda iyagoo toban jir ah, una kala duwa meesha ay seexanayaan - 2 ملاحظة
45. Majiro wax ka culus miisaanka qofka mu'uminka ah maalinta qiyaamaha Akhlaaqda fiican, Illaahayna wuu u caroodaa qofka afka xun ee ma xishoodaha ah - 2 ملاحظة
46. Nabiga -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-ayaa nagu soo baxay, waxaanan ku niri: Rasuulka Ilaahayow, waan baranay sidaan kuu salaamaynee, sideen kuugu sallinaa? - 2 ملاحظة
47. ((Salaadi kama ansixin qofka aan Akhrin suuradda faatixada)) waa qofka aan imaam ku xirnayn, qofka imaamka ku xirtay oo waqti uu faatixada ku akhriyo ka gaari waayey ma khuseeyo xaddiisku - 6 ملاحظة
48. Mu'uminka xoogga weyn, ayaa ka khayr badan lagana jecel yahay xaga Ilaahay Mu'uminka Daciifka ah, mid walbana khayr buu leeyahay,
49. Ducada Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waxaa ugu badnaa "Allahayow, Rabiyow, Adduunka nagu sii kheyr, Aakhirana nagu sii kheyr, nagana ilaali cadaabta Naarta-ee Aakhiro
50. Sayidka istiqfaartu - 4 ملاحظة
51. Ka cabsada dulmiga, waayo dulmigu wuxuu qofka galinayaa mugdiyada maalinta qiyaame, ka cabsada bukhliga, waayo bukhligu wuxuu halaagay kuwii idinka horeeyey, - 2 ملاحظة
52. Inuu nin weydiiyey Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee: Islaamka maxaa ugu khayr badan? wuxuu ugu jawaabay: "dadka oo aad cunto siiso iyo inaad salaanto َofka aad taqaan iyo kan aadan aqoonba
53. dhamaantiin waxaad tihiin Ilaaliye, waana la waydiin wixii la raaciyey,
54. waxaan ku dhaartay Allaha naftaydu gacantiisa ku jirtee waxaad qaadaysaan jidii kuwii idinka horeeyey
55. Wuxuu yiri: nin ayaa u yimid Nabiga-naxariis iyo Nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuuna kala hadlay Arimo, wuxuuna yiri: waxa Ilaahay doono adiguna doonto, wuxuu yiri Nabigu-naxariis iyo Nabadi korkiisa ha ahaatee-: "ma Ilaahay ayaad ila sintay? waxaad dhahdaa: waxa Ilaahay doono
56. Ilaahay xagiisa waxaa dadka ugu cadaab kulul maalinta qiyaame kuwa Ilaahay khalqigiisa wax u ekaysiiya
57. {قل هو الله أحد} Ilaahay waa Allaah keligii ah-, iyo labada Suuradood ee Micwadateynka "سورة الفلق iyo سورة الناس" Galabtii iyo Subixii sedeex jeer, way kaaga filan tahay wax walba
58. dheh :laa ilaaha Ilaa Allaah waxdahu laa shariika lahu, Allaahu akbar kabiiran, wal xamdu lillaahi kasiiran, subxaana Allaahi Rabbil caalamiin, laa xawla walaa quwata illaa billaahil-casiisil xakiim - 6 ملاحظة
59. Majiro qof muslim ah oo salaad faral ahi u soo gashay, oo wanaajiya waysadeeda, khushuuceeda, rukuuceeda, haduuse jiro waxaa loogu dhaafaa wixii dambi ahaa ee salaadaas ka horeeyey, hadaanu dambi wayn la imaan, arinkaasi waa sanadka oo dhan
60. Mu'uminka Qur'aanka akhriya wuxuu la mid yahay miraha ''Utrujada'', carafteedu waa udgoon dhadhankeeduna waa fiican yahay, Mu'uminka aan Qur'aanka akhriyeyna wuxuu la mid yahay timirta, caraf malaha dhadhankeeduna waa macaan - 8 ملاحظة
61. Kuwa mucaqibaatka ah ee aanu khasaarin qofka akhristaa - ama ku camal falaa- salaad walba oo waajib ah gadaasheeda, saddex iyo sodon tasbiix, saddex iyo sodon taxmiid iyo afar iyo sodon takbiir
62. {Qofka dhaha markuu maqlo mu'adinka: Waxaan qirayaa inuusan jirin Ilaah xaq lagu caabudo Ilaahay mooyee oo uu kali yahay oo cid wax la wadaagta aysan jirin, Maxamedna uu yahay adoonkiisii iyo Rasuulkiisii, waxaan raali ka ahayn inaan Ilaahay Rabi ka dhigto oo Maxamed aan ka dhigto Rasuul oo aan Islaamkana ka dhigto diin, danbigiisa waa la dhaafaa}
63. Ibnu Aadam ayaa i beeniyey xaqna u malaha inuu i beeniyo, wuuna i caayey xaqna u malaha inuu i caayo
64. qofka la colooba waligayga, waxaan ogaysiiyey dagaal, adoonkaygu iiguma soo dhawaado waxaan ka jeclahay waxaan ku waajibyey - 2 ملاحظة
65. qofka xirta xirsi Ilaahay ayuu u shariig yeelay
66. Nin ayaa weyso qaatay oo ka tagay meel cidi le`eg oo ciribtiisa ah, Nabiguna naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuu arkay, wuxuuna ku yiri: "noqo oo weysadaada hagaaji", wuu laabtay-ninkii- wuuna wanaajiyey weysadii ka dib wuu tukaday
67. Labo qolo oo dadka Ehlu naarka ah ma arkaayo, qolo sidata jeedal lo'oda saynteeda oo kale ah oo dadka ku garaacaya iyo dumar labisan oo qaawan, oo qaloocsan oo is qaloocinaaya
68. Yaanu eegin ninku cawrada nin kale, Haweenayduna yaanay eegin cawrada naag kale
69. Malaa'igtu ma raacdo safar wata Ey iyo gambaleel
70. Kuma anaan tirin jirin boora-boorowga iyo jaalaha waxba markaan daahirsano ka dib
71. sug mudadii aad qabi jirtay dhiiga caadada, ka dibna ka mayro
72. Qabayska maalinta jumcaha waa ku waajib nin kastoo qaan gaar ah, waana inuu cadaydo cadarna marsado haduu helo - 4 ملاحظة
73. Muslimku waa Qofka ay Mslimiintu ka nabad galeen Carabkiisa iyo Gacantiisaba, Muhaajirkuna waa Qofka ka dheeraada wixii Ilaahay ka reebay
74. Haweenaydu uma safari karto meel loo socdo habeen iyo maalin hadii aanu la socon ninkeedu ama nin Maxramkeeda
75. Qofka Ilaahay u tasbiixsada (dhaha: subxaana Allaah) Salaad kasta gadaasheed 33 jeer, ee Ilaahay ku xamdiya (dhaha: Alxamdu lilaah) 33 jeer, ee Ilaahay u Takbiirsada (dhaha: Allaahu akbar) 33 jeer, intaasi waa 99, ee ku dhamaystira inuu dhaho : laa Ilaaha ilaa Allaah waxdahuu laa shariika lahu, lahul-mulku walahul-xamdu wahuwa calaa kulli shay'in qadiir, waxaa laga dhaafaa dambiyadiisa haba le'ekaadeene daad xoorta badda - 2 ملاحظة
76. Qofka akhriya aayatul-kursiga salaad kasta oo faral ah gadaasheeda, ma jiro wax u diidaya inuu janada galideeda oo aan ahayn inuu dhinto
77. Arinkaani (islaamka) wuxuu gaaridoonaa Habeenka iyo Maalintu halkay gaaraan, Ilaahay dayn maayo guri magaalo iyo Guri baadiye midna ee wuu galin Diintiisa
78. Hadii midkiin ka shakiyo Salaadiisa, ee uu garan waayo seddex miyuu tukaday mise afar, hatuuro shakiga, oo ha ku dhiso-hakabilaabo- inta uu hubo, hana sujuudo labo sujuudood oo sahwi ah inta aanu salaama naqsan ka hor
79. Maandooriye kasta waa khamri, Maandooriye kastana waa xaraan, midkii isagu caba khamri dunida dusheeda oo dhinta isago joogteystey oo aan ka tooba keenin, ku cabi maayo aakhiro - 6 ملاحظة