+ -

عن أبي هريرة رضي الله عنه قال:
سُئِلَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ عَنْ أَكْثَرِ مَا يُدْخِلُ النَّاسَ الْجَنَّةَ، فَقَالَ: «تَقْوَى اللهِ وَحُسْنُ الْخُلُقِ»، وَسُئِلَ عَنْ أَكْثَرِ مَا يُدْخِلُ النَّاسَ النَّارَ فَقَالَ: «الْفَمُ وَالْفَرْجُ».

[حسن صحيح] - [رواه الترمذي وابن ماجه وأحمد] - [سنن الترمذي: 2004]
المزيــد ...

Abii Hurayra Allaha ka raali noqdee waxaa laga wariyey inuu yiri:
Rasuulka Ilaahay scw waxaa la waydiiyey waxa ugu badan ee janada lagu galo, wuxuuna yiri: "waa cabsida Ilaahay iyo Akhlaaq wanaaga ", waxa kaloo la waydiiyey waxa ugu badan ee naarta lagu galo, wuxuuna yiri: "waa afka iyo farjiga."

[Xadiis Saxiix ah] - [Waxaa wariyay At-tirmidi, Ibnu Maajah iyo Axmed] - [Sunan At-tirmidi - 2004]

Sharraxaad

Nabigu scw wuxuu cadeeyey asbaabta ugu wayn ee janada lagu galo inay yihiin labo sababood oo ah:
Ilaahay cabsidiisa iyo akhlaaq wanaagsan.
Ilaahay cabsidiisu: waa inaad samaysataa wax cadaabka Ilaahay kaa xigsada, taasoo ah inaad amarkiisa raacdo kana fogaato wixii uu kaareebay.
Akhlaaq wanaaguna: waa waji furnaanta, wanaag samaynta iyo dhibka oo la joojiyo.
Asbaabta ugu wayn ee naarta lagu galana waa labo sababood, ku waasoo ah:
Carabka iyo farjiga.
Carabka macsidiisa waxaa ka mid ah: beenta, xanta, isku dirka iyo wixii la mid ah.
Farjiga macsidiisa waxaa ka mid ah: sinada, khaniisida, iyo wixii la mid ah.

Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish Indunuusi Luqadda iigoorka Luqadda Bengaaliga Faransiis Luqadda Turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda Hindida Luqadda Shiinaha Luqadda Faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda Tajaluga Kurdiga Hawsaha Boortaqiis Malayaalim Telgoo Sawaaxili Taymaali Boorma Taylaand Jarmal Japan Luqadda bushtuuga Asaami Albaani Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Yorba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda serbiga Luqadda daajiika Ruwanda Luqadda roomaaniya Luqadda hangeriga Luqadda jeegga الموري Malgaashi Luqadda foolaaniga Oromo Luqadda kinaadiga الولوف البلغارية Adrabijaan Luqadda usbiika Luqadda yukreyn الجورجية اللينجالا المقدونية
Bandhigga tarjumada.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Galitaanka janadu waxay leedahay sababo Ilaahay ku xiran, waxaana ka mida Ilaahay cabsidiisa, iyo sababo dadka ku xiran, waxaana ka mid ah: akhlaaq wanaaga.
  2. Khatarta carabku u leeyahay qofka, iyo inuu ka mid yahay asbaabta naarta lagu galo.
  3. Khatarta shahawaadka iyo fuxshigu u leeyihiin dadka, iyo inay ka mid yihiin asbaabta ugu badan ee naarta lagu galo.