+ -

عن عائشة رضي الله عنها قالت: سمعتُ من رسول الله صلى الله عليه وسلم يقول في بيتي هذا:
«اللَّهُمَّ مَنْ وَلِيَ مِنْ أَمْرِ أُمَّتِي شَيْئًا فَشَقَّ عَلَيْهِمْ فَاشْقُقْ عَلَيْهِ، وَمَنْ وَلِيَ مِنْ أَمْرِ أُمَّتِي شَيْئًا فَرَفَقَ بِهِمْ فَارْفُقْ بِهِ».

[صحيح] - [رواه مسلم] - [صحيح مسلم: 1828]
المزيــد ...

Caa'isha Allaha ka raali ahaade waxay dhahday: waxaan ka maqlay Rasuulka Ilaahay scw isaga oo ku dhahaya gurigaygan dhexdiisa:
"Allahayow qofkii madax u noqda ummaddayda oo wax ku adkeeya isna ku adkee, midka madax u noqda ummaddayda oo u naxariistana u naxariiso."

[Xadiis Saxiix ah] - [Waxa wariyay Muslim] - [Saxiix Muslim - 1828]

Sharraxaad

Nabigu scw wuu habaaray qofkastoo madax ka noqda arimaha muslimiinta hayaraado arinkaasi ama ha waynaadee, madaxtinimadaasi ha noqoto mid guud ama mid kooban ee gaara, qofkaasoo madaxtinimadiisa dadka ku dhibaateeya, oo aan u naxariisan, Ilaahay wuxuu ku abaal marin camalkii uu sameeyey noociisa, wuuna ku adkayn.
Midkase u naxariista dadka oo u fududeeya arimahooda, Ilaahay ayaa u naxariista oo u fududeeya arinkiisa.

Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish Indunuusi Luqadda iigoorka Luqadda Bengaaliga Faransiis Luqadda Turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda Hindida Luqadda Shiinaha Luqadda Faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda Tajaluga Kurdiga Hawsaha Boortaqiis Malayaalim Telgoo Sawaaxili Taymaali Boorma Taylaand Jarmal Japan Luqadda bushtuuga Asaami Albaani Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Yorba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda serbiga Luqadda daajiika Ruwanda Luqadda roomaaniya Luqadda hangeriga Luqadda jeegga Malgaashi Talyaani Oromo Luqadda kinaadiga Adrabijaan Luqadda usbiika Luqadda yukreyn
Bandhigga tarjumada.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Waxaa ku waajiba qofka muslimiinta arimahooda shay ka mida madax ka noqda inuu u naxariisto intuu kari karo.
  2. Abaal marintu waxay ahaataa nooca camalku yahay.
  3. Qiyaasta lagu eegayo waxa wax fudaydin la odhan iyo waxa culeys iyo kadeed la odhan waxuu ahaanayaa waxa aan kitaabka Alle iyo sunnada Nabiga weydaar saeyn ee waafaq san.