+ -

عَنْ أَنَسٍ رضي الله عنه قَالَ:
جَاءَ رَجُلٌ إِلَى النَّبِيِّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ فَقَالَ: يَا رَسُولَ اللهِ، مَا تَرَكْتُ حَاجَّةً وَلَا دَاجَّةً إِلَّا قَدْ أَتَيْتُ، قَالَ: «أَلَيْسَ تَشْهَدُ أَنْ لَا إِلَهَ إِلَّا اللهُ وَأَنَّ مُحَمَّدًا رَسُولُ اللهِ؟» ثَلَاثَ مَرَّاتٍ. قَالَ: نَعَمْ، قَالَ: «فَإِنَّ ذَلِكَ يَأْتِي عَلَى ذَلِكَ».

[صحيح] - [رواه أبو يعلى والطبراني والضياء المقدسي] - [الأحاديث المختارة للضياء المقدسي: 1773]
المزيــد ...

Anas allaha ka raali noqdee waxaa laga wariyey inuu yiri:
Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waxaa u yimid nin wuxuuna ku yiri: Rasuulkii Ilaahayow, kama aanan tegin dambi wayn iyo dambi yar oo waan wada sameeyey, wuxuu Nabiga ku yiri : .miyaadan qirayn inuu Ilaahay maahee Ilaah kale jirin Maxamadna Rasuulka Ilaahay yahay? seddex jeer ayuu ku celiyey. wuxuu yiri: haa, wuxuu yiri: dambiyadaas shahaadateynka ayaa lagu dhaafay.

[Xadiis Saxiix ah] - [waxaa wariyey Abuu yaclaa,dabraani,diyaa.ul madasi] - [Axaadiista Laga Xushay kitaabka Diyaa ee Almaqdasi - 1773]

Sharraxaad

Nin ayaa u yimid Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuuna ku yiri: Rasuulka Ilaahayow, anigu dambi walba waan sameeyey, mid yar iyo mid weynba midna maanan dhaafine dambi dhaaf ma leehay? Wuxuu ku yiri Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee miyaadan qirsanayn inuu Ilaahay maahee Ilaah kale jirin Maxamedna Rasuulka Ilaahay yahay? wuxuu ugu cel-celiyey seddex jeer. Wuxuu ugu jawaabay: haa waan qirayaa. Wuxuu u sheegay Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee fadliga labada shahaado iyo in lagu dhaafo dambiyada, towbaduna ay masaxdo wixii ka horeeyey ee dambi ahaa.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Aad ayey u wayn yihiin labado shahaado wayna ka culus yihiin dunuubta qofkii si run ah uga yiraahda qalbigiisa.
  2. Islaamku wuu baabi`yaa wixii danbi ah ee ka horeeyey.
  3. Tawbada runta ahi waxay masaxdaa wixii ka horeeyey ee danbi ah.
  4. Qofka wax barida in loogu cel-celiyo waa dhaqankii Nabiga lagu yaqaanay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee.
  5. Fadliga labada shahaado, iyo inay sabab u noqonayaan in qofku kaga bad-baado ku waarida naarta.
Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish Indunuusi Luqadda iigoorka Luqadda Bengaaliga Faransiis Luqadda Turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda Hindida Luqadda Shiinaha Luqadda Faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda Tajaluga Kurdiga Hawsaha Boortaqiis Malayaalim Telgoo Sawaaxili Taymaali Boorma Jarmal Luqadda bushtuuga Asaami Albaani Luqadda iswiidhen Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Yorba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda serbiga Luqadda daajiika Ruwanda Luqadda roomaaniya Luqadda hangeriga Luqadda jeegga الموري Malgaashi Luqadda foolaaniga Oromo Luqadda kinaadiga الولوف البلغارية Adrabijaan اليونانية Luqadda usbiika Luqadda yukreyn الجورجية المقدونية
Bandhigga tarjumada.