عن أبي هريرة رضي الله عنه أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال:
«كُلُّ أُمَّتِي يَدْخُلُونَ الْجَنَّةَ إِلَّا مَنْ أَبَى»، قَالُوا: يَا رَسُولَ اللهِ، وَمَنْ يَأْبَى؟ قَالَ: «مَنْ أَطَاعَنِي دَخَلَ الْجَنَّةَ، وَمَنْ عَصَانِي فَقَدْ أَبَى».
[صحيح] - [رواه البخاري] - [صحيح البخاري: 7280]
المزيــد ...
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey in Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri:
" Ummaddayda oo dhan Janaday gelaysaa qofka iska diida mooyee ", waxay dheheen: Rasuulka Ilaahayow, yaa diidaya? wuxuu yiri: "qofka i adeeca Janaduu gelayaa, kan i caasiyana waa Qof diiday Janada".
[Xadiis Saxiix ah] - [Waxa wariyay Albukhaari] - [Saxiix AlBukhaari - 7280]
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Ummaddiisu dhamaan Janada gelayso Qofkii iska diida mooyee!
Asaxaabtu Allaha ka raali noqdee waxay yiraahdeen yaa diidaya Rasuulkii Ilaahayow.?!
Wuxuu ugu jawaabey Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee: qofka u hogaansama ee raaca Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee Janaduu gelayaa, Qofkase aan u hogaansamin Shareecada camalkiisa xun wuxuu ka dhigan yahay inuu diiday Janada gelideeda.