+ -

عن ابن مسعود رضي الله عنه قال: قال النبي صلى الله عليه وسلم:
«الْجَنَّةُ أَقْرَبُ إِلَى أَحَدِكُمْ مِنْ شِرَاكِ نَعْلِهِ، وَالنَّارُ مِثْلُ ذَلِكَ».

[صحيح] - [رواه البخاري] - [صحيح البخاري: 6488]
المزيــد ...

Ibnu Mascuud waxaa laga wariyey Allaha ka raali ahaadee inuu yiri: Nabigu scw wuxuu yiri:
(Qofkastoo idinka mida Janadu waxay uga dhowdahay suunka kabtiisa, naartuna waa la mid).

[Xadiis Saxiix ah] - [Waxa wariyay Albukhaari] - [Saxiix AlBukhaari - 6488]

Sharraxaad

Nabigu scw wuxuu sheegay in janada iyo naartuba u dhaw yihiin dadka sida kabaha lugta ku jira ee lagu socdo oo kale, waayo waxaa laga yaabaa in camal cibaado ah oo Ilahay jecel yahay ah la sameeyo oo janada lagu galo, ama la sameeyo macsi lagu galo naarta.

Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish Indunuusi Luqadda iigoorka Luqadda Bengaaliga Faransiis Luqadda Turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda Hindida Luqadda Shiinaha Luqadda Faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda Tajaluga Kurdiga Hawsaha Boortaqiis Malayaalim Telgoo Sawaaxili Taymaali Boorma Taylaand Jarmal Japan Luqadda bushtuuga Asaami Albaani Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Yorba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda daajiika Ruwanda Luqadda roomaaniya Luqadda hangeriga Luqadda jeegga Malgaashi Talyaani Oromo Luqadda kinaadiga Adrabijaan Luqadda usbiika Luqadda yukreyn
Bandhigga tarjumada.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Waxaa la is jeclaysiinayaa khayrka haba yaraadee, waxa kaloo la iska cabsi galiayaa sharka haba yaraadee.
  2. Qofka muslimka ah waxaa lama huraan u ah noloshiisa inuu kulmiyo rajo iyo cabsi, Ilaahayna waydiisto mar waliba inuu xaqa ku sugo si uu u nabad galo oo uusana ugu kadsoomin xaalkiisa .