+ -

عن ابْنِ عُمَرَ رضي الله عنهما أنه سَمِعَ رَجُلًا يَقُولُ: لَا وَالْكَعْبَةِ، فَقَالَ ابْنُ عُمَرَ: لَا يُحْلَفُ بِغَيْرِ اللَّهِ، فَإِنِّي سَمِعْتُ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَقُولُ:
«مَنْ حَلَفَ بِغَيْرِ اللهِ فَقَدْ كَفَرَ أَوْ أَشْرَكَ».

[صحيح] - [رواه أبو داود والترمذي وأحمد] - [سنن الترمذي: 1535]
المزيــد ...

Cabdullaahi Binu Cumar Allaha ka raali ahaado isagiyo aabihiibe waxaa laga wariyey inuu maqlay nin dhahaya: maya kacbadaan ku dhaartee, wuxuu ku yiri Ibnu Cumar: lagumo dhaarto cidaan Ilaahay ahayn, anigu waxaan ka maqlay Rasuulka Ilaahay scw isagoo dhahay:
(Qofkii ku dhaarta waxaan Ilaahay ahayn wuu gaaloobay ama shirki buu la yimid).

[Xadiis Saxiix ah] - [Waa wariyay Abuu Daa'uud, At-Tirmidi, Iyo Axmed] - [Sunan At-tirmidi - 1535]

Sharraxaad

Nabigu scw wuxuu sheegay qofkii ku dhaarta cidaan Ilaahay ahayn iyo magacyadiisa iyo sifaadkiisa inuu Ilaahay ku kufriyey ama uu shirki la yimid, waayo dhaartu waxay keenaysaa waynaynta cida lagu dhaaranayo, waynayntana Ilaahay kaligi ayey u sugnaatay, laguma dhaarto Ilaahay, magacyadiisa iyo sifaadkiisa cidaan ahayn. Dhaartaasina waxay ka mid tahay shirkiga yar, laakiin hadii qofka dhaartay uu u wayneeyo waxa uu ku dhaartay sida waynaynta Ilaahay oo kale ama ka siidaran, markaa wuxuu noqonayaa shirkiga wayn.

Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish Indunuusi Luqadda iigoorka Luqadda Bengaaliga Faransiis Luqadda Turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda Hindida Luqadda Shiinaha Luqadda Faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda Tajaluga Kurdiga Hawsaha Boortaqiis Malayaalim Telgoo Sawaaxili Taymaali Boorma Taylaand Jarmal Japan Luqadda bushtuuga Asaami Albaani Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Yorba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda daajiika Ruwanda Luqadda roomaaniya Luqadda hangeriga Luqadda jeegga Malgaashi Talyaani Oromo Luqadda kinaadiga Adrabijaan Luqadda usbiika Luqadda yukreyn
Bandhigga tarjumada.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Dhaarta in lagu wayneeyaa waa xaq Ilaahay leeyahay, Isagaa nusqaan ka hufan oo sareeyee, laguma dhaarto cidaan Ilaahay, magacyadiisa iyo sifaadkiisa ahayn.
  2. Asxaabtu waxay ku dadaaleen wanaag faridiisa iyo xumaanta reebideeda, gaar ahaan hadii xumaantu tahay mid shirki iyo gaalnimo la xiriirta.