+ -

عن أبي هريرة رضي الله عنه أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال:
«حُجِبَتِ النَّارُ بِالشَّهَوَاتِ، وَحُجِبَتِ الْجَنَّةُ بِالْمَكَارِهِ».

[صحيح] - [رواه البخاري] - [صحيح البخاري: 6487]
المزيــد ...

Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu Rasuulka Ilaahay scw uu yiri:
(Naarta waxaa lagu wareejiyey shahawaat, Janadana waxaa lagu wareejiyey wax naftu kahanayso).

[Xadiis Saxiix ah] - [Waxa wariyay Albukhaari] - [Saxiix AlBukhaari - 6487]

Sharraxaad

Nabigu scw wuxuu cadeeyey in naarta lagu hareereeyey waxyaabaha naftu jeceshahay ee xaaraanta ah iyo waajibaadka oo laga gaabiyo. Qofka naftiisa raacsiiya hawadeeda wuxuu ku mudanayaa naar. Janada waxaa lagu wareejiyey waxyaabaha naftu dhibsato, sida joogtaynta wixii Ilaahay amray, iyo ka tagida xaaraanta iyo arinkaas oo lagu sabro, haduu qofku naftiisa ku jihaado wuxuu ku mudanayaa janada.

Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish Indunuusi Luqadda iigoorka Luqadda Bengaaliga Faransiis Luqadda Turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda Hindida Luqadda Shiinaha Luqadda Faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda Tajaluga Kurdiga Hawsaha Boortaqiis Malayaalim Telgoo Sawaaxili Taymaali Boorma Taylaand Jarmal Japan Luqadda bushtuuga Asaami Albaani Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Yorba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda daajiika Ruwanda Luqadda roomaaniya Luqadda hangeriga Luqadda jeegga Malgaashi Talyaani Oromo Luqadda kinaadiga Adrabijaan Luqadda usbiika Luqadda yukreyn
Bandhigga tarjumada.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Sababaha loogu dhoco shahawaadka waxaa ka mida in shaydaanku u qurxiyo munkarka iyo waxa xun, ilaa ay naft u aragto wax wanaagsan oo ay u leexato.
  2. Waxaa la farayaa dadku inay ka fogaadaan shahawaadka xaaraanta ah, waayo waa dariiqa naarta ku aroora, waxa kaloo la is farayaa in lagu sabro khayrka ay naftu dhibsato, waayo waa dariiqa janada ku aroora.
  3. Fadli ayey leedahay nafta oo lala jihaado iyo cibaadada oo lagu dadaalo oo lagu sabro waxa naftu nacayso iyo mashaqada cibaadada ku xeeran.