1. Bogga-hore
  2. Noocyada
  3. Fadaa`isha iyo Aadaabta

Xaddiis Labo Qof oo Muslima hadii ay seefohooda isu qaataan, kii wax dila iyo kan la dilaba Naartay galayaan

عن أبي بَكرة رضي الله عنه قال: سمعت رسول الله صلى الله عليه وسلم يقول:
«إِذَا الْتَقَى الْمُسْلِمَانِ بِسَيْفَيْهِمَا فَالْقَاتِلُ وَالْمَقْتُولُ فِي النَّارِ»، فَقُلْتُ: يَا رَسُولَ اللهِ هَذَا الْقَاتِلُ، فَمَا بَالُ الْمَقْتُولِ؟ قَالَ: «إِنَّهُ كَانَ حَرِيصًا عَلَى قَتْلِ صَاحِبِهِ».

Abii bakrata Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: waxaan ka maqlay Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isagoo dhahaya:
" Labo Qof oo Muslima hadii ay seefohooda isu qaataan, kii wax dila iyo kan la dilaba Naartay galayaan ", waxaan ku iri: Rasuulka Ilaahayow, kani waaba kii wax dilaye, kan la dilay maxay tahay arintiisu? wuxuu yiri: " wuxuu ku dadaalayey inuu dilo kan kale ".

Xadiis Saxiix ah Xadiis la isku waafaqay Saxiix AlBukhaari - 31

Sharraxa

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay hadii labo Qof oo Muslimiin ahi Seefo isku qaataan oo midba midka kale inuu dilo doonayo, kii wax dila Naartuu galayaa sababtoo ah isagaa si toosa u dilay kii kale. Asaxaabtu waxay fahmi waayeen kan la dilay: sideebuu Naarta u galayaa? Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu u sheegay in isaguna uu Naarta galayo, sababtoo ah wuxuu ku dadaalayey inuu kan kale dilo, inuu kan kale dilona waxaa diiday uun in lagala hormaray dilka.

Faa`iidooyinka Xaddiiska

  1. Qofkii Qalbigiisa ka go`aansada inuu macsi sameeyo oo asbaabteedii ku dhaqaaqa wuxuu mutaysanayaa ciqaab.
  2. Waxaa si adag looga diyagaa in Muslimiintu is diriraan, arinkaas waxaa ku soo arooray goodi Naar lagu gelayo.
  3. Dagaalka dhex mara Muslimiinta ee xaq lagu dagaalamayo masoo galayo goodigaa, sida dagaalka Buqaada iyo Mufsidiinta.
  4. Qofka dambiga Kabiirada ah gala laguma gaalaysiinayo kaliya inuu dambigaa galay, waayo Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku magacaabay labada diriray muslimiin.
  5. Hadii labo Muslim ahi ay isu qaataana Shay la isku dili karo, midkoodna kii kale dilo, kan wax dilay iyo kan la dilayba Naartay gelayaan, Seefta lagu xusay Xadiiska waa tusaale uun.

Bandhigga Tarjamooyinka

68 Luuqadda
EN English الإنجليزية
UR اردو الأوردية
ES Español الإسبانية
ID Indonesia الإندونيسية
UG ئۇيغۇرچە الأيغورية
BN বাংলা البنغالية
FR Français الفرنسية
TR Türkçe التركية
RU Русский الروسية
BS Bosanski البوسنية
SI සිංහල السنهالية
HI हिन्दी الهندية
ZH 中文 الصينية
FA فارسی الفارسية
VI Tiếng Việt الفيتنامية
TL Tagalog تجالوج
KU Kurdî الكردية
HA Hausa الهوسا
PT Português البرتغالية
ML മലയാളം المليالم
TE తెలుగు التلغو
SW Kiswahili السواحيلية
TA தமிழ் التاميلية
MY မြန်မာ البورمية
TH ไทย التايلندية
DE Deutsch الألمانية
JA 日本語 اليابانية
PS پښتو بشتو
AS অসমীয়া الأسامية
SQ Shqip الألبانية
SV Svenska السويدية
AM አማርኛ الأمهرية
NL Nederlands الهولندية
GU ગુજરાતી الغوجاراتية
KY Кыргызча القيرقيزية
NE नेपाली النيبالية
YO Yorùbá اليوروبا
LT Lietuvių الليتوانية
PRS دری الدرية
SR Српски الصربية
TG тоҷикӣ الطاجيكية
RW Kinyarwanda الكينياروندا
RO Română الرومانية
HU Magyar المجرية
CS Čeština التشيكية
MOS Moore الموري
MG Malagasy المالاجاشية
FF Fulfulde الفولانية
IT Italiano الإيطالية
OM Oromoo الأورومو
KN ಕನ್ನಡ الكانادا
WO Wolof الولوف
BG Български البلغارية
AZ Azərbaycan الأذربيجانية
EL Ελληνικά اليونانية
AK Akan الأكانية
UZ O‘zbek الأوزبكية
UK Українська الأوكرانية
KA ქართული الجورجية
LN Lingala اللينجالا
MK Македонски المقدونية
KM ភាសាខ្មែរ الخميرية
BM Bambara البامبارية
PA ਪੰਜਾਬੀ البنجابية
MR मराठी الماراثية
RN Kirundi الكيروندي
YAO Yao الياو
KMR Kurmancî الكرمنجية