+ -

عن تميم الداري رضي الله عنه أن النبي صلى الله عليه وسلم قال:
«الدِّينُ النَّصِيحَةُ» قُلْنَا: لِمَنْ؟ قَالَ: «لِلهِ وَلِكِتَابِهِ وَلِرَسُولِهِ وَلِأَئِمَّةِ الْمُسْلِمِينَ وَعَامَّتِهِمْ».

[صحيح] - [رواه مسلم]
المزيــد ...

Tamiim adaari Allaha ka raali ahaade wuxuu ka wariyey Nabiga scw inuu yiri:
"Diintu waa naseexo " waxaan ku niri: yey u tahay: wuxuu yiri: " Ilaahay, Kitaabkiisa, Rasuulkiisa, madaxda muslimiinta, iyo muslimiinta oo dhan "

Xadiis Saxiix ah. - Waxa wariyay Muslim.

Sharaxaad

Nabigu scw wuxuu sheegay inay diinta ku dhisan tahay ikhlaas iyo run, si loogu guto sida Ilaahay u waajibiyey oo kaamila oo aan la yarayn lana qishin.
Nabiga scw waxaa lagu yiri: yey u tahay naseexo? wuxuuna yiri:
Tan kowaad: Ilaahay ayey u tahay isagaa koreeya oo nusqaan ka hufane: waa in loo khaalis yeelo camalka oo aan loo shariig yeelin ", oo aanu rumayno Rabinimadiisa, Ilaahnimadiisa, Magacyadiisa, Sifaadkiisa, arinkiisa oo la wayneeyo iyo dadkoo la gaarsiiyo inay Ilaahay rumeeyaan.
Tan labaad: kitaabkiisa Qur'aanka ah: ayey u tahay: waana inaan aamino inuu hadlkii Ilaahay yahay oo kii kutubtiisa u danbeeyey yahay, iyo inuu nasakhay dhamaan shareecooyinkii isaga ka horeeyey, waa inaan waynayno oo si wanaagsan u akhrino oo ku camal falo quraanka muxkamkiisa, oo aanu u hogaansamo mutashaabihiisa, oo aanu ka tagno kuwa quraanka qaloociya oo bedela, waa inaan ku cibro qaadano waanadiisa, oo cilmigiisa faafino, dadkana ugu yeerno.
Tan sadexaad: waxay u tahay Rasuulka Ilaahay scw: oo ah in la rumeeyo inuu yahay Rasuulkii u dambeeyey, oo aan rumano wuxuu la yimid, oo aanu amarkiisa qaadano, wuxuu naga reebayna ka harno, oo aynaan Ilaahay ku caabudin wixii Nabigu la yimid maahee, oo nabiga xaqiisa waynayno, oo nabiga maamuusno, oo dacwadiisa fidino, oo shareecadiisa faafino, oo tuhunka ka difaacno.
Tan afraad: madaxda muslimiinta ayey u tahay: taasoo ah in xaqa loogu kaalmeeyo, oo aan lagu qabsan madaxtinimada, waana in la maqlo oo lagu adeeco sharciga Ilaahay.
Tan shanaad: muslimiintoo dhan ayey u tahay naseexo: waana in loo ixsaan falo ioo khayrka loogu yeero, oo dhibka laga daayo, oo khayrka lala jeclaado, oo baarinimo iyo taqwo lagula dhaqmo.

Tarjamada: Ingriisi Urduu Luqadda isbaanishka Indooniisi Luqadda iigoorka Luqadda bengaaliga Faransiis Luqadda turkiga. Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda hindida Luqadda shiinaha Luqadda faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda tajaluga Luqadda kurdiga Luqadda hawsaha Luqadda boorta qiiska Luqadda Malayalam Luqadda talgu Luqadda sawaaxiliga Luqadda taymelka Luqadda boomiyaanka Luqadda taylandiga Luqadda jarmalka Luqadda jabbaaniiska Luqadda bushtuuga Luqadda asaamii Luqadda Albaaniya Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Luqadda yuruuba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda serbiga Luqadda daajiika Luqadda kiniya ruwadiga
Bandhigga tarjamada.

Faa,iidooyinka xaddiiska laga faa,iidaysanayo waxaa kamid ah.

  1. Naseexada in la is faro dadka oo dhan ayey u taalaa.
  2. Nseexadu maqaamka ay diinta ku leedahay wuu wayn yahay.
  3. Diintu waxay ka kooban tahay caqiido, oraah iyo acmaal.
  4. Naseexada waxaa ka mida in nafta kan loo naseexanayo laga sifeeyo qishka iyo khayrka oo lala doono.
  5. Rasuulka scw si fiican ayuu dadka u bari jiray isagoo shayga si guud u sheega hadana sii faahfaahiya.
  6. Waxaa lagu bilaabaa shayba shayga uu ka muhiimsan yahay, waayo Nabigu scw wuxuu ku bilaabay naseexada Ilaahay, ka dibna kitaabkiisa, ka dibna Nabigiisa scw ka dibna madaxda muslimiinta ka dibna muslimiinta oo dhan.