+ -

عن أبي بَكرة رضي الله عنه قال: سمعت رسول الله صلى الله عليه وسلم يقول:
«إِذَا الْتَقَى الْمُسْلِمَانِ بِسَيْفَيْهِمَا فَالْقَاتِلُ وَالْمَقْتُولُ فِي النَّارِ»، فَقُلْتُ: يَا رَسُولَ اللهِ هَذَا الْقَاتِلُ، فَمَا بَالُ الْمَقْتُولِ؟ قَالَ: «إِنَّهُ كَانَ حَرِيصًا عَلَى قَتْلِ صَاحِبِهِ».

[صحيح] - [متفق عليه] - [صحيح البخاري: 31]
المزيــد ...

Abii bakrata Allaha ka raali ahaade wuxuu yiri: waxaan ka maqlay Rasuulka Ilaahay scw isagoo dhahaya:
" Labo qof oo muslima hadii ay seefohooda isu qaataan, kii wax dila iyo kan la dilaba naartay galayaan ", waxaan ku iri: Rasuulka Ilaahayow, kani waaba kii wax dilaye, ka la dilay maxay tahay arintiisu? wuxuu yiri: " wuxuu ku dadaalayey inuu dilo kan kale ".

[Xadiis Saxiix ah] - [Xadiis la isku waafaqay] - [Saxiix AlBukhaari - 31]

Sharraxaad

Nabigu scw wuxuu sheegay hadii labo qof oo muslimiin ahi seefo isku qaataan oo midba midka kale inuu dilo doonayo, kii wax dila naartuu galayaa sababtoo ah isagaa si toosa u dilay kii kale. Asaxaabtu waxay fahmi waayeen kan la dilay: sideebuu naarta u galayaa? Nabigu scw wuxuu u sheegay in isaguna uu naarta galayo, sababtoo ah wuxuu ku dadaalayey inuu kan kale dilo, inuu kan kale dilona waxaa diiday uun in lagala hormaray dilka.

Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish Indunuusi Luqadda iigoorka Luqadda Bengaaliga Faransiis Luqadda Turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda Hindida Luqadda Shiinaha Luqadda Faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda Tajaluga Kurdiga Hawsaha Boortaqiis Malayaalim Telgoo Sawaaxili Taymaali Boorma Taylaand Jarmal Japan Luqadda bushtuuga Asaami Albaani Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Yorba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda serbiga Luqadda daajiika Ruwanda Luqadda roomaaniya Luqadda hangeriga Luqadda jeegga Malgaashi Talyaani Oromo Luqadda kinaadiga Adrabijaan Luqadda usbiika Luqadda yukreyn
Bandhigga tarjumada.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Qofkii qalbigiisa ka go`aansada inuu macsi sameeyo oo asbaabteedii ku dhaqaaqa wuxuu mutaysanayaa ciqaab.
  2. Waxaa si adag looga diyagaa in muslimiintu is diriraan, arinkaas waxaa ku soo arooray goodi naar lagu galayo.
  3. Dagaalka dhex mara muslimiinta ee xaq lagu dagaalamayo masoo galayo goodigaa, sida dagaalka Buqaada iyo Mufsidiinta.
  4. Qofka dambiga Kabiirada ah gala laguma gaalaysiinayo kaliya inuu dambigaa galay, waayo Nabigu scw wuxuu ku magacaabay labada diriray muslimiin.
  5. Hadii labo muslim ahi ay isu qaataana shay la isku dili karo, midkoodna kii kale dilo, kan wax dilay iyo kan la dilayba naartay galayaan, seefta lagu xusay xadiiska waa tusaale uun.