+ -

عن أبي هريرة رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم:
«لَا تَجْعَلُوا بُيُوتَكُمْ قُبُورًا، وَلَا تَجْعَلُوا قَبْرِي عِيدًا، وَصَلُّوا عَلَيَّ؛ فَإِنَّ صَلَاتَكُمْ تَبْلُغُنِي حَيْثُ كُنْتُمْ».

[حسن] - [رواه أبو داود] - [سنن أبي داود: 2042]
المزيــد ...

Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay wuxuu yiri:
(Ha ka dhigina guryihiina qubuur, hana ka dhigina qabrigayga ciid, iguna saliya, salintiinu way isoo gaaraysaa meel kastood joogtaan).

[Xadiis Xasan ah] - [Waxa wariyay Abuu Daa'uud] - [Sunan Abii Daa'uud - 2042]

Sharraxaad

Nabigu wuxu reebay in guryaha lugu tukan waayo oo laga dhigo sida qabuurta aan lagu tukan oo kale. Nabigu scw wuxuu ka digay in lagu celceliyo siyaarada Qabrigiisa oo si joogto ah loogu kulmo qabriga oo caado laga dhigto, waayo taasi waxay noqonaysaa dariiq shirki gaarsiiya qofka. Nabigu wuxuu amray in lagu saliyo meel kastoo dhulka laga joogo, waayo saligu wuu isoo gaarayaa qofka dhaw iyo qofka fogba isku si ayuu ii soo gaarayaa, loomana baahana in lagu noqnoqdo qabrigiisa.

Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish Indunuusi Luqadda iigoorka Luqadda Bengaaliga Faransiis Luqadda Turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda Hindida Luqadda Shiinaha Luqadda Faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda Tajaluga Kurdiga Hawsaha Boortaqiis Malayaalim Telgoo Sawaaxili Taymaali Boorma Taylaand Jarmal Japan Luqadda bushtuuga Asaami Albaani Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Yorba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda serbiga Luqadda daajiika Ruwanda Luqadda roomaaniya Luqadda hangeriga Luqadda jeegga الموري Malgaashi Luqadda foolaaniga Talyaani Oromo Luqadda kinaadiga الولوف البلغارية Adrabijaan الأكانية Luqadda usbiika Luqadda yukreyn الجورجية اللينجالا المقدونية
Bandhigga tarjumada.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Waa la reebay inaan guryaha lagu samayn cibaadada Ilaahay sareeye.
  2. Waa la reebay in loo safro qabriga Nabiga scw, waayo wuxuu faray in lagu saliyo wuxuuna sheegay in saligu gaarayo, waxaase loo qasdayo oo loo safrayo waa masjidka Nabiga iyo in lagu soo tukado.
  3. Waa la xarimay in qabriga Nabiga scw laga dhigo ciid, taaso ah in si gaara iyo waqti gaara lagu celceliyo siyaarada, waxaa la mida qabri walba in sidaa lagu sameeyo.
  4. Maamuuska Ilaahay siiyey Nabiga scw waxaa tusaaya in sharci looga dhigay in lagu saliyo goor walba iyo meel walba.
  5. Qabriga in lagu tukado reebideeda waxaa go'aamiyey asxaabta Nabiga; sidaa darteed wuxuu reebay Nabigu scw in guryaha laga dhigo sida qabuurta oo kale oo aan lagu tukan.