+ -

عن عبد الله بن عمرو رضي الله عنهما قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم:
«يقالُ لصاحبِ القرآن: اقرَأ وارتَقِ، ورتِّل كما كُنْتَ ترتِّل في الدُنيا، فإن منزِلَكَ عندَ آخرِ آية تقرؤها».

[حسن] - [رواه أبو داود والترمذي والنسائي في الكبرى وأحمد] - [سنن أبي داود: 1464]
المزيــد ...

Cabdullaahi Binu Camar Binu caas Allaha ka raali ahaado isagiyo aabihiye waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay scw wuxuu yiri:
(Qofka Ahlu Qur'aanka ah waxaa lagu oran: akhri oo kor u soco, oo ku luuqee sidaad ugu luuqayn jirtay aduunka, gurigaagu waa halka aayada ugu dambaysa aad ku akhrido).

[Xadiis Xasan ah] - [waxaa wariyey Abuu daawuud,tirmidi,nasaa.i oo kawayn kuwariyey iyo Axmad] - [Sunan Abii Daa'uud - 1464]

Sharraxaad

Nabigu scw wuxuu sheegay in lagu oran doono qofka Qur'aanka akhriya, kuna camal fala, ee laasima akhrintiisa iyo xifdintiisa markuu janada galayo: Qur'aanka akhri oo kor ugu soco darajooyinka janada, kuna luuqee sidaad ugu luuqayn jirtay akhrintiisa aduunka, u akhri si dagan oo xasilooni leh, gurigaagu waa halka ay kaaga dhamaato aayada ugu dambaysa akhriskeedu.

Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish Indunuusi Luqadda iigoorka Luqadda Bengaaliga Faransiis Luqadda Turkiga. Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda Hindida Luqadda fiitnaam Luqadda Tajaluga Kurdiga Hawsaha Malayaalim Telgoo Sawaaxili Boorma Taylaand Luqadda bushtuuga Asaami Albaani Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Yorba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda serbiga Luqadda daajiika Ruwanda Luqadda roomaaniya Luqadda jeegga Malgaashi Talyaani Oromo Luqadda kinaadiga Adrabijaan Luqadda usbiika Luqadda yukreyn
Bandhigga tarjumada.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Abaal marintu waxay waafaqsan tahay camalka la qabto tiro ahaan iyo tayo ahaanba.
  2. Waxaa la isku booriyey Qur'aanka akhrintiisa, itqaanintiisa, xifdintiisa, tadaburkiisa, iyo ku camal falkiisa.
  3. Janadu waa heerar iyo darajooyin badan, dadka Ahlu Qur'aanka ahi darajooyinka ugu sareeya ayey dagayaan.