1. Bogga-hore
  2. Noocyada
  3. Caqiidada

Xaddiis Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wax buu sheegay, markaasuu yiri: kaasi waa marka cilmigu sii tagayo

عَنْ زِيَادِ بْنِ لَبِيدٍ رضي الله عنه قَالَ:
ذَكَرَ النَّبِيُّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ شَيْئًا، فَقَالَ: «ذَاكَ عِنْدَ أَوَانِ ذَهَابِ الْعِلْمِ» قُلْتُ: يَا رَسُولَ اللَّهِ، وَكَيْفَ يَذْهَبُ الْعِلْمُ، وَنَحْنُ نَقْرَأُ الْقُرْآنَ وَنُقْرِئُهُ أَبْنَاءَنَا وَيُقْرِئُهُ أَبْنَاؤُنَا أَبْنَاءَهُمْ إِلَى يَوْمِ الْقِيَامَةِ؟ قَالَ: «ثَكِلَتْكَ أُمُّكَ زِيَادُ، إِنْ كُنْتُ لَأُرَاكَ مِنْ أَفْقَهِ رَجُلٍ بِالْمَدِينَةِ، أَوَلَيْسَ هَذِهِ الْيَهُودُ وَالنَّصَارَى يَقْرَؤونَ التَّوْرَاةَ وَالْإِنْجِيلَ، لَا يَعْمَلُونَ بِشَيْءٍ مِمَّا فِيهِمَا؟!».

Siyaad Binu Labiid Allaha ka rali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri:
Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wax buu sheegay, markaasuu yiri: kaasi waa marka cilmigu sii tagayo, waxaan iri: Rasuulka Ilaahayow, sidee buu cilmigu u tagayaa, anagoo akhriyeyna Qur'aanka ubadkayagana aan barayno, ubadkayaguna ubadkooda sii barayaan ilaa qiyaamaha?, wuxuu yiri-Rasuulku-:(hooyadaa ku wayday siyaad, waxaan kuu malaynaayey ninka ugu fiqiga badan Madiina, kuwani miyaanay ahayn Yahuud iyo Nasaaro oo Tawraat iyo Injiil akhriyaya, hadana aanay ku camal falayn waxa ku qoran.

Xadiis Saxiix ah, marka la eego kuwa lamida Waxaa wariyay Ibnu Maajah Sunan Ibnu Maajah - 4048

Sharraxa

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu dhex fadhiyey asxaabtiisa, wuxuuna yiri waqtigaasi waa waqtiga dadka laga siibayo cilmiga, Siyaad Binu Labiid Alansaari Allaha ka raali ahaade wuu la yaabay Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuuna waydiiyey, Wuxuuna yiri: sidee baa cilmiga loo waayin oo nooga lumin?! anagoo akhrinayna oo xifdinay, walaahi waanu akhriyeynaa, waana baraynaa haweenkayaga iyo caruurtayada, iyo caruurta caruurtayada, Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: isago la yaaban Siyaad hooyadaa ku wayday waxaan kuu haystay inaad ku jirto culimada reer Madiina! Ka dib Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu u cadeeyey Siyaad in cilmiga waayidiisu uusan ahayn Qur'aanka oo la waayo, laakiin ay tahay ku camal falkiisa oo la waayo, Waa kuwaas Tawraat iyo Injiil oo ay haystaan Yahuud iyo Nasaaro, hadana wax kuma tarin kamana ay faa'iidaysan ujeedadii labadaa kitaab laga lahaa,! kaasoo ahaa inay ku camal falaan waxay ka barteen.

Faa`iidooyinka Xaddiiska

  1. Waxaa jira kutub iyo Suxuf dadka gacantooda ku jira oo aan waxba tarayn hadaan lagu camal falayn.
  2. Sida cilmiga loo waayo waxaa ka mida arimo ay ka mid tahay: dhimashada Nabiga scw, dhimashada culimada, iyo cilmiga oo aan lagu camal falin.
  3. Calaamadaha qiyaamaha waxaa ka mida cilmiga oo la waayo iyo cilmiga oo laga tago ku camal falkiisa.
  4. Waxaa la isku booriyey in cilmiga lagu camal falo, ujeedaduba waa intaasee.

Bandhigga Tarjamooyinka

68 Luuqadda
EN English الإنجليزية
UR اردو الأوردية
ES Español الإسبانية
ID Indonesia الإندونيسية
UG ئۇيغۇرچە الأيغورية
BN বাংলা البنغالية
FR Français الفرنسية
TR Türkçe التركية
RU Русский الروسية
BS Bosanski البوسنية
SI සිංහල السنهالية
HI हिन्दी الهندية
ZH 中文 الصينية
FA فارسی الفارسية
VI Tiếng Việt الفيتنامية
TL Tagalog تجالوج
KU Kurdî الكردية
HA Hausa الهوسا
PT Português البرتغالية
ML മലയാളം المليالم
TE తెలుగు التلغو
SW Kiswahili السواحيلية
TA தமிழ் التاميلية
MY မြန်မာ البورمية
TH ไทย التايلندية
DE Deutsch الألمانية
JA 日本語 اليابانية
PS پښتو بشتو
AS অসমীয়া الأسامية
SQ Shqip الألبانية
SV Svenska السويدية
AM አማርኛ الأمهرية
NL Nederlands الهولندية
GU ગુજરાતી الغوجاراتية
KY Кыргызча القيرقيزية
NE नेपाली النيبالية
YO Yorùbá اليوروبا
LT Lietuvių الليتوانية
PRS دری الدرية
SR Српски الصربية
TG тоҷикӣ الطاجيكية
RW Kinyarwanda الكينياروندا
RO Română الرومانية
HU Magyar المجرية
CS Čeština التشيكية
MOS Moore الموري
MG Malagasy المالاجاشية
FF Fulfulde الفولانية
IT Italiano الإيطالية
OM Oromoo الأورومو
KN ಕನ್ನಡ الكانادا
WO Wolof الولوف
BG Български البلغارية
AZ Azərbaycan الأذربيجانية
EL Ελληνικά اليونانية
UZ O‘zbek الأوزبكية
UK Українська الأوكرانية
KA ქართული الجورجية
LN Lingala اللينجالا
MK Македонски المقدونية
KM ភាសាខ្មែរ الخميرية
BM Bambara البامبارية
PA ਪੰਜਾਬੀ البنجابية
MR मराठी الماراثية
DA Dansk الدنماركية
RN Kirundi الكيروندي
KMR Kurmancî الكرمنجية
MS Bahasa Melayu الملايو