عن عثمان رضي الله عنه عن النبي صلى الله عليه وسلم قال:
«خَيْرُكُمْ مَنْ تَعَلَّمَ الْقُرْآنَ وَعَلَّمَهُ».
[صحيح] - [رواه البخاري] - [صحيح البخاري: 5027]
المزيــد ...
Cusmaan Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey in Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri:
"Waxaa idiinku khayr badan kan Qur'aanka bartay ee bara Quraanka".
[Xadiis Saxiix ah] - [Waxa wariyay Albukhaari] - [Saxiix AlBukhaari - 5027]
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Qofka Muslimiinta ugu fadliga badan uguna darajada sareeya Ilaahay agtiisa uu yahay Qofka Qur'aanka bartay, akhrintiisa, xafiday, tartiilkiisa iyo tafsiirkiisa, oo qayrki baray wuxuu ka yaqaan Culuunta Quraanka kuna camal fala Quraanka.