+ -

عن أبي هريرة رضي الله عنه عن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال:
«مَا نَقَصَتْ صَدَقَةٌ مِنْ مَالٍ، وَمَا زَادَ اللهُ عَبْدًا بِعَفْوٍ إِلَّا عِزًّا، وَمَا تَوَاضَعَ أَحَدٌ لِلهِ إِلَّا رَفَعَهُ اللهُ».

[صحيح] - [رواه مسلم] - [صحيح مسلم: 2588]
المزيــد ...

Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee wuxuu ka wariyey Rasuulka scw inuu yiri:
"Sadaqo maal ma yareyso, adoon wax cafiyeyna Ilaahay uma siyaadiyo cisi mooyee, qofkii Ilaahay darti u tawaaducana Ilaahay ayaa kor u qaada.

[Xadiis Saxiix ah] - [Waxa wariyay Muslim] - [Saxiix Muslim - 2588]

Sharraxaad

Nabigu scw wuxuu cadeeyey in sadaqdu aysan maalka yarayn, balse ay ka difaacado aafada, Ilaahayna wuxuu ugu badalaa ka sadaqada bixiya khayr wayn, waxayna noqotaa mid badisa ee aan yarayn.
Qofka dadka iska cafiya isagoo awooda inuu ka aarsado ama uu u qabsado qofkii, Ilaahay wuxuu ugu bedelaa awood iyo cisi.
Qofka Ilaahay darti u tawaaduca oo isu bihinbihiya, isagoon qofna ka cabsanayn ama iska jeedinayn ama aan nafac kaga doonayn, llaahay wuxuu abaal uga dhigaa inuu sarayn iyo sharaf siiyo.

Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish Indunuusi Luqadda iigoorka Luqadda Bengaaliga Faransiis Luqadda Turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda Hindida Luqadda Shiinaha Luqadda Faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda Tajaluga Kurdiga Hawsaha Boortaqiis Malayaalim Telgoo Sawaaxili Taymaali Boorma Taylaand Jarmal Japan Luqadda bushtuuga Asaami Albaani Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Yorba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda serbiga Luqadda daajiika Ruwanda Luqadda roomaaniya Luqadda hangeriga Luqadda jeegga الموري Malgaashi Luqadda foolaaniga Oromo Luqadda kinaadiga الولوف البلغارية Adrabijaan Luqadda usbiika Luqadda yukreyn الجورجية اللينجالا المقدونية
Bandhigga tarjumada.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Khayrka iyo liibaantu waxay ku jiraan in loo hogaansamo shareecada, iyo in khayrka la falo haba la ahaato dadka qaarki in arintu sidaa ka duwan tahaye.