1. Bogga-hore
  2. Noocyada
  3. Caqiidada

Xaddiis Daahirnimadu waa Iimaanka barki, Alxamdu lillahina miisaanka ayey buuxisaa, ama Subxaana Allaah iyo Alxamdulilah waxay buuxiyaan inta u dhaxaysa Samooyinka iyo Dhulka

عن أبي مالكٍ الأشعريِّ رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم:
«الطُّهُورُ شَطْرُ الْإِيمَانِ، وَالْحَمْدُ لِلهِ تَمْلَأُ الْمِيزَانَ، وَسُبْحَانَ اللهِ وَالْحَمْدُ لِلهِ تَمْلَآنِ -أَوْ تَمْلَأُ- مَا بَيْنَ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ، وَالصَّلَاةُ نُورٌ، وَالصَّدَقَةُ بُرْهَانٌ، وَالصَّبْرُ ضِيَاءٌ، وَالْقُرْآنُ حُجَّةٌ لَكَ أَوْ عَلَيْكَ، كُلُّ النَّاسِ يَغْدُو، فَبَايِعٌ نَفْسَهُ فَمُعْتِقُهَا أَوْ مُوبِقُهَا».

Abii Maalik Alashcari Allaha ka raali noqdee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulkii Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri:
"Daahirnimadu waa Iimaanka barki, Alxamdu lillahina miisaanka ayey buuxisaa, ama Subxaana Allaah iyo Alxamdulilah waxay buuxiyaan inta u dhaxaysa Samooyinka iyo Dhulka, Salaaduna waa nuur, Sadaqaduna Qofka xujo ayey u tahay, sabirkuna waa iftiin, Quraankuna xujo ayuu kuu noqdaa ama xujo ayuu kugu noqdaa dadka oo dhan way kalahaan, Qof walbana wuxuu samaynaayo ayuu Naftiisa ku iibsaday markaasaa dadku waxay noqonayaan mid Naftiisa xoreeya ama halaaga".

Xadiis Saxiix ah Waxa wariyay Muslim Saxiix Muslim - 223

Sharraxa

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in dahaarada muuqataa ay tahay weysada iyo qubayska waxayna shardi u tahay Salaada. Erayga Alxamdu lilaahi waxay buuxisaa miisaanka waana amaanta Ilaahay isagaa nusqaan ka hufane, iyo in lagu sifeeyo sifaadka kaamilka ah, Maalinta Qiyaame waa la miisaamin waxayna buuxin miisaanka camalka. Erayga subxaana Allaah iyo Alxamdu lillaah waa Ilaahay oo laga hufo wax kastoo naaqus ah, iyo in ilaahay lagu sifeeyo kaamilnimo oo dhan, taasoo u qalanta ilaahay waynankiisa, Isagoo la jecel yahay lana weyneynayo, taasi waxay buuxisaa inta u dhaxaysa samooyinka iyo dhulka. Salaadu nuur ayey u tahay Adoonka Qalbigiisa, Wejigiisa, Qabrigiisa, iyo markuu Maxsharka imaanayo. Sadaqadu waxay Muminka u tahay xujo waxayna daliil u tahay Iimaankiisu run yahay kana duwan yahay munaafiqa aan rumaysnayn ajarka loo balan qaaday. Sabirku waa iftiin, waana Naftoo laga xabiso argagaxa iyo carada, waana nuur uu la socdo kulayal iyo gubasho sida iftiika Qoraxdoo kale, waayo sabirku waa dhib u baahan la dagaalanka Nafta iyo in loo diido waxay rabto, Qofka sabrayaa wuxuu ahaanayaa mid sabirka iftiinsada oo ku hanuuna oo si sax ah u toosnaada, sabirku waa in lagu sabro daadcada Ilahay, macsida oo laga sabro, musiibda oo lagu sabro iyo noocyada dhibaatooyinka Aduunka oo loo adkaysto. Qur'aanku akhriskiisa iyo ku camal falkiisa ayuu xujo kuugu noqon, hadii aad akhrin waydo ama ku camal fali waydona xujo ayuu kugu noqon. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ka dib wuxuu sheegay in dadka oo dhan soconayaan oo faafiyaan oo hurdadooda ka toosayaan oo Guryahooda uga soo baxayaan shaqooyin kooda kala duwan. dadka waxaa ka mid ah Qof ku toosan daacada Ilaahay oo Naftiisa Naarta ka xoreynaya, waxaa kaloo ka mida mid xaqa ka leexaday oo macaasida ku dhacaya oo Naftiisa Naar ku halaagaya.

Faa`iidooyinka Xaddiiska

  1. Dahaaradu waa labo dahaaro: dahaarada muuqata waa weysada iyo qubeyska, dahaarada qarsoona waa towxiidka, Iimaanka iyo camalka saalixa ah.
  2. Muhimad ayey leedahay ilaalinta Salaadu, Adoonka Salaadu waxay u tahay nuur Aduunka iyo Maalinta Qiyaameba.
  3. Sadaqaduna waxay daliil u tahay in Iimaanku run yahay.
  4. Muhimad ayey leedahay ku camal falka qur'aanka iyo rumayntiisu si uu kuugu noqdo xujo, oo aanu kugu noqon xujo.
  5. Nafta hadaanad ku mashquulin daacada Ilaahay macsi ayey kugu mashquulin.
  6. Qof waliba waa hubaal inuu shaqeynaayo, Qofku daacada Ilaahay ayuu Naftiisa ku xorayn, ama macsi ayuu Naftiisa ku halaagin.
  7. Sabirku wuxuu u baahan yahay adkaysin iyo ajar raadin wuxuuna leeyahay mashaqo.

Bandhigga Tarjamooyinka

68 Luuqadda
EN English الإنجليزية
UR اردو الأوردية
ES Español الإسبانية
ID Indonesia الإندونيسية
UG ئۇيغۇرچە الأيغورية
BN বাংলা البنغالية
FR Français الفرنسية
TR Türkçe التركية
RU Русский الروسية
BS Bosanski البوسنية
SI සිංහල السنهالية
HI हिन्दी الهندية
ZH 中文 الصينية
FA فارسی الفارسية
VI Tiếng Việt الفيتنامية
TL Tagalog تجالوج
KU Kurdî الكردية
HA Hausa الهوسا
PT Português البرتغالية
ML മലയാളം المليالم
TE తెలుగు التلغو
SW Kiswahili السواحيلية
TA தமிழ் التاميلية
MY မြန်မာ البورمية
TH ไทย التايلندية
DE Deutsch الألمانية
JA 日本語 اليابانية
PS پښتو بشتو
AS অসমীয়া الأسامية
SQ Shqip الألبانية
SV Svenska السويدية
AM አማርኛ الأمهرية
NL Nederlands الهولندية
GU ગુજરાતી الغوجاراتية
KY Кыргызча القيرقيزية
NE नेपाली النيبالية
YO Yorùbá اليوروبا
LT Lietuvių الليتوانية
PRS دری الدرية
SR Српски الصربية
TG тоҷикӣ الطاجيكية
RW Kinyarwanda الكينياروندا
RO Română الرومانية
HU Magyar المجرية
CS Čeština التشيكية
MOS Moore الموري
MG Malagasy المالاجاشية
FF Fulfulde الفولانية
IT Italiano الإيطالية
OM Oromoo الأورومو
KN ಕನ್ನಡ الكانادا
WO Wolof الولوف
BG Български البلغارية
AZ Azərbaycan الأذربيجانية
EL Ελληνικά اليونانية
UZ O‘zbek الأوزبكية
UK Українська الأوكرانية
KA ქართული الجورجية
LN Lingala اللينجالا
MK Македонски المقدونية
KM ភាសាខ្មែរ الخميرية
BM Bambara البامبارية
PA ਪੰਜਾਬੀ البنجابية
MR मराठी الماراثية
DA Dansk الدنماركية
RN Kirundi الكيروندي
KMR Kurmancî الكرمنجية
MS Bahasa Melayu الملايو