عن ابنِ عُمَرَ رضي الله عنهما قال: قال رسولُ الله صلَّى الله عليه وسلم:
«مَن تَشَبَّهَ بِقَوْمٍ فَهُوَ مِنْهُمْ».
[حسن] - [رواه أبو داود وأحمد] - [سنن أبي داود: 4031]
المزيــد ...
Ibnu Cumar Allaha ka raali ahaado isaga iyo Aabihiye waxaa laga wariyey inuu yiri: in Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri:
"Qofkii qolo isu ekaysiiya iyaguu ka mid yahay".
[Xadiis Xasan ah] - [Waxaa Wariyay Abuu Daa'uud iyo Axmed] - [Sunan Abii Daa'uud - 4031]
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in qofkii isku ekaysiiya qolo gaalo ah ama faasiqiina ama saalixiina isagoo samaynaya wax ka mida wixii lagu yaqaanay, sida caqiidada, cibaadada iyo caadooyinka iyaguu ka mid yahay, waayo oogada oo ay isaga ekaadaan waxay keenaysaa inay gudaha isaga ekaadaan, shakina malaha in hadii qolo la isu ekaysiiyo ay ka imaanayso inay cajabiyeen, taaso keeni karta inuu jeclaado oo weyneeyo oo uu ku dhex jiro, taaso Qofka u keeni karta inuu uga ekaado xaga gudaha iyo cibaadada, Ilaahay ayaan ka magan galnaye.