+ -

عن أبي مَرْثَدٍ الغَنَوِيّ رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم:
«لَا تَجْلِسُوا عَلَى الْقُبُورِ، وَلَا تُصَلُّوا إِلَيْهَا».

[صحيح] - [رواه مسلم] - [صحيح مسلم: 972]
المزيــد ...

Abii Mursad Alqanawi Allaha ka raali ahaade wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay scw wuxuu dhahay:
(Haku fadhiisanina qabuuraha, hana u tukanina xageeda).

[Xadiis Saxiix ah] - [Waxa wariyay Muslim] - [Saxiix Muslim - 972]

Sharraxaad

Nabigu scw wuxuu reebay in lagu fadhiisto qabuuraha.
Sidaasoo kale wuxuu reebay in xaga qabuuraha loo tukado, oo qabuuruhu noqdan kuwo ka xiga qofka tukanaya xaga qiblada, waayo arinkaasi wuxuu keenayaa shirki.

Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish Indunuusi Luqadda iigoorka Luqadda Bengaaliga Faransiis Luqadda Turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda Hindida Luqadda Shiinaha Luqadda Faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda Tajaluga Kurdiga Hawsaha Boortaqiis Malayaalim Telgoo Sawaaxili Taymaali Boorma Taylaand Jarmal Japan Luqadda bushtuuga Asaami Albaani Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Yorba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda serbiga Ruwanda Luqadda roomaaniya Luqadda hangeriga Luqadda jeegga Malgaashi Talyaani Luqadda kinaadiga Adrabijaan Luqadda yukreyn
Bandhigga tarjumada.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Waxaa la reebay in salaad lagu dhex tukado qabuuraha, ama xagooda loola jeesto marka laga reebo salaada janaasada, sidaana sunaday ku cadahay.
  2. Waxaa loo reebay salaada qabuuraha xagooda in loo tukado, in laga hortago wixii shirki keenikara.
  3. Islaamku wuxuu reebay in lagu xad gudbo qubuurta iyo in la xumeeyo qubuurta xadka sharciga ka badbadin lama ogola ka gaabina lama ogola.
  4. Xurmada muslimku waa mid joogto ah xataa isagoo dhintay, Nabigu scw wuxuu yiri: (jebinta lafta maydku waxay la mid tahay isagoo nolol lagu jabiyey).