+ -

عَنْ أَنَسٍ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ، قَالَ: لَأُحَدِّثَنَّكُمْ حَدِيثًا سَمِعْتُهُ مِنْ رَسُولِ اللَّهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ لاَ يُحَدِّثُكُمْ بِهِ أَحَدٌ غَيْرِي: سَمِعْتُ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَقُولُ:
«إِنَّ مِنْ أَشْرَاطِ السَّاعَةِ أَنْ يُرْفَعَ العِلْمُ، وَيَكْثُرَ الجَهْلُ، وَيَكْثُرَ الزِّنَا، وَيَكْثُرَ شُرْبُ الخَمْرِ، وَيَقِلَّ الرِّجَالُ، وَيَكْثُرَ النِّسَاءُ حَتَّى يَكُونَ لِخَمْسِينَ امْرَأَةً القَيِّمُ الوَاحِدُ».

[صحيح] - [متفق عليه] - [صحيح البخاري: 5231]
المزيــد ...

Anas Allaha ka raali ahaade wuxuu yiri: waxaan idiin sheegin xadiis aan ka maqlay Rasuulka Ilaahay naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate xadiis kaas qof aan aniga ahayn idiin sheegi maayo: waxaan ka maqlay Rasuulka isagoo leh:
qiyaamaha calaamadihiisa waxaa ka mid ah: in cilmiga la waayo, jahliguna bato, sinaduna badato, khamriga cabidiisuna badato, oo ragu yaraado, dumarkuna bataan, ilaa kontonkii dumar ahba hal nin ku soo tooso.

[Xadiis Saxiix ah] - [Xadiis la isku waafaqay] - [Saxiix AlBukhaari - 5231]

Sharraxaad

Nabigu naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee wuxuu cadeeyey in calaamadaha qiyaamaha dhawaadkeeda ay ka mida tahay in la qaado cilmiga shareecada, waayo culumadaa dhamaanaysa. Taas waxaa ka imaanaaya in jahligu faafo siina bato,na sinada iyo faaxishadu faafto, khamri cabiduna badato, tirada raguna yaraato, tirada dumarkuna badato, ilaa kontonkii dumar ahba uu ku soo aado hal nin, kaasoo danahooda iyo maslaxadooda ka shaqaynaya.

Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish Indunuusi Luqadda iigoorka Luqadda Bengaaliga Faransiis Luqadda Turkiga. Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda Hindida Luqadda Faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda Tajaluga Kurdiga Hawsaha Boortaqiis Malayaalim Telgoo Sawaaxili Taymaali Boorma Taylaand Jarmal Luqadda bushtuuga Asaami Albaani Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Yorba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda serbiga Luqadda daajiika Ruwanda Luqadda roomaaniya Luqadda hangeriga Luqadda jeegga Malgaashi Talyaani Oromo Luqadda kinaadiga Adrabijaan Luqadda usbiika Luqadda yukreyn
Bandhigga tarjumada.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Waa cadaynta calaamadaha qiyaamaha qaarkood.
  2. Ogaanshaha waqtiga qiyaamaha wuxuu ka mid yahay waxyaabaha qaybka ah ee Ilaahay kaligi og yahay.
  3. Waxaa la isku booriyey in cilmiga shareecada la barto intaan la waayin.