+ -

عن أبي سعيد الخدري رضي الله عنه أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال:
«لَا ضَرَرَ وَلَا ضِرَارَ، مَنْ ضَارَّ ضَرَّهُ اللَّهُ، وَمَنْ شَاقَّ شَقَّ اللَّهُ عَلَيْهِ».

[صحيح بشواهده] - [رواه الدارقطني] - [سنن الدارقطني: 3079]
المزيــد ...

Abii Saciid Alkhudri Allaha ka raali ahaade wuxuu Rasuulka Ilaahay ka wariyey inuu yiri:
"dhib majiro is dhibidna majirto, qofka dadka dhiba Ilahay ayaa dhiba, qofka dadka ku adkeeyana Ilaahay ayaa ku adkeeyo ".

[Xadiis Saxiix ah, marka la eego u Marag kaca kale ee soo arooray] - [Waxaa wariyay Ad-aaraqudni] - [Sunan Ad-daara Qudni - 3079]

Sharraxaad

Nabigu scw wuxuu cadeeyey inay waajib tahay in qofku ka joojiyo naftiisa iyo dadka kaleba dhibka nooca uu yahayba iyo qaab uu yahayba qofna uma banaana inuu dhibo naftiisa ama cid kale midna.
Qofna uma banaana inuu dhib ka hor geeyo dhib kale waayo dhib laguma joojiyo dhib kale, inay qisaas aan lagu xadgudbayn tahay mooyee.
Ka dib Nabigu scw wuxuu cadeeyey in loogu goodiyey qofka dadka dhiba in la dhibidoono, oo qofka dadka ku adkeeya lagu adkayndoono.

Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish Indunuusi Luqadda iigoorka Luqadda Bengaaliga Faransiis Luqadda Turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda Hindida Luqadda Shiinaha Luqadda Faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda Tajaluga Kurdiga Hawsaha Boortaqiis Malayaalim Telgoo Sawaaxili Taymaali Boorma Taylaand Jarmal Japan Luqadda bushtuuga Asaami Albaani Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Yorba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda serbiga Luqadda daajiika Ruwanda Luqadda roomaaniya Luqadda hangeriga Luqadda jeegga الموري Malgaashi Luqadda foolaaniga Talyaani Oromo Luqadda kinaadiga الولوف البلغارية Adrabijaan Luqadda usbiika Luqadda yukreyn الجورجية اللينجالا المقدونية
Bandhigga tarjumada.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Waxaa la reebay in qofku xadka ka baxo oo wixii loo gaystay wax ka badan uu gaysto.
  2. Ilaahay ma amrin adoomadiisa wax dhibaaya.
  3. Waa la xarimay dhibka iyo in la isku dhibaateeyo hadal, ficil ama ka tagidba.
  4. Abaal marintu waa nooca camal ku yahay, qofkii dhib gaysta Ilaahay ayaa dhiba, qofkii ku adkeeyana Ilaahay ayaa ku adkeeya.
  5. Arkaanta shareecada waxaa ka mida: " dhib waa la joojiyaa ", shareecadu ma ogola dhib, wayna diidaysaa is dhibaataynta.