+ -

عن شداد بن أوس رضي الله عنه قال: ثِنْتَانِ حَفِظْتُهُمَا عَنْ رَسُولِ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ:
«إِنَّ اللهَ كَتَبَ الْإِحْسَانَ عَلَى كُلِّ شَيْءٍ، فَإِذَا قَتَلْتُمْ فَأَحْسِنُوا الْقِتْلَةَ، وَإِذَا ذَبَحْتُمْ فَأَحْسِنُوا الذَّبْحَ، وَلْيُحِدَّ أَحَدُكُمْ شَفْرَتَهُ، فَلْيُرِحْ ذَبِيحَتَهُ».

[صحيح] - [رواه مسلم] - [صحيح مسلم: 1955]
المزيــد ...

Shadaad Binu Aws Allaha ka raali ahaade wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay scw labo ayaan ka xifdiyey isagoo dhahaya:
"Ilaahay wuxuu faray in shay walba loo ixsaan falo, hadii aad wax dilaysaan dilka wanaajiya, hadii aad gawracaysaan gawraca wanaajiya, mididana afeeya, oo neefka u raaxeeya.

[Xadiis Saxiix ah] - [Waxa wariyay Muslim] - [Saxiix Muslim - 1955]

Sharraxaad

Nabigu scw wuxuu sheegay in Ilaahay nagu waajibiyey inaan shay walba u ixsaan falo, Ixsaankuna: waa in Ilaahay si joogto inoo ilaalinaayo, oo uu eegaayo caabududiisa, bixinta khayrka, dadka oo dhibka laga daayo, ixsaankaas waxaa soo galaya dilka iyo gawraca.
Ixsaanka qisaastu waa: in loo dooro dariiqa ugu sahlan oo ugu fudud oo ugu dhaqso badan oo nafta looga goyn karo kan la dilaayo.
ixsaan falka gawracu waa marka la gawracyo: oo waa in loogu naxariisto neefka in la afeeyo midida, oo aan hortiisa lagu afayn isagoo eegaya, oo xoolo kale oo u jeeda aan la gawricin.

Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish Indunuusi Luqadda iigoorka Luqadda Bengaaliga Faransiis Luqadda Turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda Hindida Luqadda Shiinaha Luqadda Faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda Tajaluga Kurdiga Hawsaha Boortaqiis Malayaalim Telgoo Sawaaxili Taymaali Boorma Taylaand Jarmal Japan Luqadda bushtuuga Asaami Albaani Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Yorba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda serbiga Luqadda daajiika Ruwanda Luqadda roomaaniya Luqadda hangeriga Luqadda jeegga Malgaashi Talyaani Oromo Luqadda kinaadiga Adrabijaan Luqadda usbiika Luqadda yukreyn
Bandhigga tarjumada.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Waa Ilaahay naxariistiisa casa wajala iyo u dhimrinta khalqiga.
  2. Ixsaanka dilka iyo gawracu waa inuu ahaado siday shareecadu jidaysay.
  3. Waa kaamilnimada shareecada oo koobaysa khayr oo dhan, waxaana ka mida in loo naxariisto xayawaanka oo loo dhimriyo.
  4. Waxaa la reebay in sar-waji lagu sameeeyo dadka marka la dilo ka dib.
  5. Waa la xarimay wax walba oo ay ku jirto ciqaabta xayawaanku.