+ -

عَنِ ابْنِ عُمَرَ رضي الله عنهما عَنِ النَّبِيِّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ، قَالَ:
«مَثَلُ الْمُنَافِقِ، كَمَثَلِ الشَّاةِ الْعَائِرَةِ بَيْنَ الْغَنَمَيْنِ تَعِيرُ إِلَى هَذِهِ مَرَّةً وَإِلَى هَذِهِ مَرَّةً».

[صحيح] - [رواه مسلم] - [صحيح مسلم: 2784]
المزيــد ...

Ibnu Cumar Allaha ka raali ahaado isagiyo Aabihiise waxaa laga wariyey in Nabiga naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate uu yiri:
Munaafaqu wuxuu la mid yahay ri' ku wareersan laba ari dhexdood oo kolba mid aadaysa.

[Xadiis Saxiix ah] - [Waxa wariyay Muslim] - [Saxiix Muslim - 2784]

Sharraxaad

Nabigu naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate wuxuu cadeeyey munaafaqa xaalkiisa iyo inuu la mid yahay ri` ku dhex wareertay labo ari kii ay raaci lahayd. Ri`daas oo mar xayntaa arigaa u tagaysa marna xayntaa kale. Munaafaqiintu waxay ku dhex wareersan yihiin Iimaanka iyo kufriga, muuminiinta u lama jiraan si muuqata iyo si qarsoon, gaaladana u lama jiraan si muuqata iyo si qarsoon, balse waxay ka ag muuqdaan muuminiinta, waxaa uurkooda ku jira shaki iyo walaac, qalbigoodu mar wuxuu raacin kuwaa, marna kuwaa kale.

Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish Indunuusi Luqadda iigoorka Luqadda Bengaaliga Faransiis Luqadda Turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda Hindida Luqadda Shiinaha Luqadda Faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda Tajaluga Kurdiga Hawsaha Boortaqiis Malayaalim Telgoo Sawaaxili Taymaali Boorma Taylaand Jarmal Luqadda bushtuuga Asaami Albaani Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Yorba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda serbiga Luqadda daajiika Ruwanda Luqadda roomaaniya Luqadda hangeriga Luqadda jeegga الموري Malgaashi Talyaani Oromo Luqadda kinaadiga الولوف البلغارية Adrabijaan اليونانية Luqadda usbiika Luqadda yukreyn الجورجية اللينجالا المقدونية
Bandhigga tarjumada.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa waxaa ka mid ahaa dhaqankiisa inuu tusaale soo qaato si uu macnaha u soo dhaweeyo.
  2. Waa cadayn xaalada munaafaqiinta oo ah walaac iyo shaki iyo xasilooni daro.
  3. Waxaa laga digay xaalka munaafaqiinta, waxaana la isku booriyey runta iyo in lagu adkaysto iimaanka daahir ahaan iyo baadin ahaanba.