عن أبي مسعود الأنصاري رضي الله عنه قال:
جَاءَ رَجُلٌ إِلَى النَّبِيِّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ فَقَالَ: إِنِّي أُبْدِعَ بِي فَاحْمِلْنِي، فَقَالَ: «مَا عِنْدِي»، فَقَالَ رَجُلٌ: يَا رَسُولَ اللهِ، أَنَا أَدُلُّهُ عَلَى مَنْ يَحْمِلُهُ، فَقَالَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: «مَنْ دَلَّ عَلَى خَيْرٍ فَلَهُ مِثْلُ أَجْرِ فَاعِلِهِ».
[صحيح] - [رواه مسلم] - [صحيح مسلم: 1893]
المزيــد ...
Abii Mascuud Alansaarii Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri:
Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee nin ayaa u yimid wuxuuna yiri: waan gaadiid beelaye gaadiid i saar, wuxuu ku yiri Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee: "kuuma heli karo", nin kalaa yiri: Rasuulkii Ilaahayow, anaa tusaaya Qof saara, Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri-: "Qofka khayrka dadka tusa wuxuu leeyahay ajar la mida kan khayrkaa sameeyey ajarkiisa".
[Xadiis Saxiix ah] - [Waxa wariyay Muslim] - [Saxiix Muslim - 1893]
Nin ayaa u yimid Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuuna ku yiri: gaadiidkaygii ayaa iga dhintaye, i fuuli gaadiid, oo i sii waxaan fuulo oo i gaarsiiya, wuuna ka cudur daartay Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inaanu hayn shay uu fuuliyo, nin kale oo joogay ayaa yiri: Rasuulka Ilaahayow, anaa tusaya Qof fuuliya, markaasaa Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee u sheegay inuu ajarka la wadaagayo kan wax sadaqaystay waayo wuxuu tusay Qof u baahan.