+ -

عن أبي هريرة رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم:
«إِنَّ اللهَ لَا يَنْظُرُ إِلَى صُوَرِكُمْ وَأَمْوَالِكُمْ، وَلَكِنْ يَنْظُرُ إِلَى قُلُوبِكُمْ وَأَعْمَالِكُمْ».

[صحيح] - [رواه مسلم] - [صحيح مسلم: 2564]
المزيــد ...

Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay wuxuu yiri:
"Ilaahay ma eegayo sawiradiina iyo xoolahiina, laakiin wuxuu eegayaa quluubtiina iyo camalkiina ".

[Xadiis Saxiix ah] - [Waxa wariyay Muslim] - [Saxiix Muslim - 2564]

Sharraxaad

Nabigu scw wuxuu sheegay in Ilaahay uusan eegayn sawirada dadka iyo jirkoodu, inay quruxsan yahay ama fool xun yahay ama wayn yahay ama yar yahay ama caafimaad qabo ama jiran yahay. Ilaahay ma fiirinaayo hantidoodu, ma badan tahay mise way yar tahay? Ilaahay casa wajala uma qabanaayo oo ku xisaabin maayo arimahaas sida ay ugu kala duwan yihiin, laakiin wuxuu eegayaa quluubtooda iyo waxa ku jira ee taqwo, yaqiin, run, iyo ikhlaas ah, ama inuu u sameeyey is tustus iyo halagaa sheego, Ilaahay wuxuu eegayaa camalkoodu inuu fiican yahay iyo inuu xun yahay, taasuuna ku ajar siin kuna abaal marin.

Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish Indunuusi Luqadda iigoorka Luqadda Bengaaliga Faransiis Luqadda Turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda Hindida Luqadda Shiinaha Luqadda Faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda Tajaluga Kurdiga Hawsaha Boortaqiis Malayaalim Telgoo Sawaaxili Taymaali Boorma Taylaand Jarmal Japan Luqadda bushtuuga Asaami Albaani Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Yorba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda serbiga Luqadda daajiika Ruwanda Luqadda roomaaniya Luqadda hangeriga Luqadda jeegga Malgaashi Talyaani Oromo Luqadda kinaadiga Adrabijaan Luqadda usbiika Luqadda yukreyn
Bandhigga tarjumada.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Waa in qalbiga la ilaaliyo oo la islaaxiyo, oo laga sifeeyo sifo walba oo xun.
  2. Qalbiga waxaa lagu islaaxiyaa ikhlaaska, camalkana waxaa lagu islaaxiyaa raacida Nabiga scw, labadaas ayaa Ilaahay eegayaa oo lagu qiimaynayaa.
  3. Qofku yaanu ku kadsoomin xoolahiisa, quruxdiisa, jirkiisa iyo shay walba oo ka mida quruxda aduunka.
  4. Waa laga digayaa in lagu gaabsado waxa oogada ka muuqda iyadoo aan la islaaxin wixii uurka jira".