+ -

عن ابن عباس رضي الله عنهما
عَنِ النَّبِيِّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ فِيمَا يَرْوِي عَنْ رَبِّهِ عَزَّ وَجَلَّ قَالَ: قَالَ: «إِنَّ اللهَ كَتَبَ الْحَسَنَاتِ وَالسَّيِّئَاتِ، ثُمَّ بَيَّنَ ذَلِكَ، فَمَنْ هَمَّ بِحَسَنَةٍ فَلَمْ يَعْمَلْهَا كَتَبَهَا اللهُ لَهُ عِنْدَهُ حَسَنَةً كَامِلَةً، فَإِنْ هُوَ هَمَّ بِهَا فَعَمِلَهَا كَتَبَهَا اللهُ لَهُ عِنْدَهُ عَشْرَ حَسَنَاتٍ إِلَى سَبْعِمِائَةِ ضِعْفٍ، إِلَى أَضْعَافٍ كَثِيرَةٍ، وَمَنْ هَمَّ بِسَيِّئَةٍ فَلَمْ يَعْمَلْهَا كَتَبَهَا اللهُ لَهُ عِنْدَهُ حَسَنَةً كَامِلَةً، فَإِنْ هُوَ هَمَّ بِهَا فَعَمِلَهَا كَتَبَهَا اللهُ لَهُ سَيِّئَةً وَاحِدَةً».

[صحيح] - [متفق عليه] - [صحيح البخاري: 6491]
المزيــد ...

Ibnu Cabaas Allaha ka raali ahaadee isaga iyo aabihiiye.
Wuxuu ka wariyey Nabiga Ilaahay scw, Nabiguna Ilaahay ka wariyey inuu yiri: wuxuu Nabigu yiri: "Ilaahay wuu qoray xasanaadka iyo dambiyada, ka dibna wuu cadeeyey, qofka ku hamiya inuu sameeyo xasano ee aan samayn Ilaahay wuxuu u qoraa xasano kaamil ah, hadiise uu ku hamiyo xasano oo uu sameeyo Ilaahay wuxuu u qoraa toban xasano ilaa todobol oo laalaab, ilaa laalaabyo badan, qofkii ku hamiya danbi oo aan samayn Ilaahay wuxuu u qoraa xasano kaamil ah, haduu ku hamiyo dambi oo uu sameeyo waxaa loo qoraa hal danbi.

[Xadiis Saxiix ah] - [Xadiis la isku waafaqay] - [Saxiix AlBukhaari - 6491]

Sharraxaad

Rasuulku scw wuxuu sheegay in Ilaahay qadaray xasanaadka iyo dambiyada ka dibna uu u cadeeyey laba malag siday u qori lahaayeen.
Qofka damca oo goosta oo u qasda inuu xasano sameeyo waxaa loo qoraa hal xasano isago aan samaynba, haduu sameeyo waxaa loo laalaabaa toban laabkeed, ilaa todoba boqol oo laalaab ilaa laalaabyo badan, siyaadaduna waa kolba inta ikhlaas qalbiga ku jirta, iyo wax tarkii uu gudbiyey iyo wixii la mida.
Qofka damca oo u qasda oo goosta inuu dambi sameeyo ka dibna Ilaahay darti u daaya waxaa loo qoraa xasano, haduuse ka mashquulo oo uusan asbaabteeda la imaan waxba looma qoro, hadiise uu kari waayo waxaa loo qoraa niyadiisa wixii ku jiray. haduu sameeyana waxaa loo qoraa hal dambi.

Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish Indunuusi Luqadda iigoorka Luqadda Bengaaliga Faransiis Luqadda Turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda Hindida Luqadda Shiinaha Luqadda Faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda Tajaluga Kurdiga Hawsaha Boortaqiis Malayaalim Telgoo Sawaaxili Taymaali Boorma Taylaand Jarmal Japan Luqadda bushtuuga Asaami Albaani Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Yorba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda serbiga Luqadda daajiika Ruwanda Luqadda roomaaniya Luqadda hangeriga Luqadda jeegga Talyaani Oromo Luqadda kinaadiga Adrabijaan Luqadda usbiika Luqadda yukreyn
Bandhigga tarjumada.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Waa cadayn Ilaahay fadligiisa wayn ee uu ummaddaan siiyey isago xasanaatka u laalaabay oo agtiisa ugu qoray, oo uusan u laalaabin dambiyada.
  2. Niyadu ahmiyad iyo saamayn ayey ku leedahay camalka.
  3. Ilaahay fadligiisa casa wajala, dhimrintiisa iyo ixsaankiisa waxaa ka mida in qofkii ku hamiya xasano oo aan samayn in Ilaahay u qoraayo xasano.