+ -

عن عائشة رضي الله عنها قالت: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم:
«السِّوَاكُ مَطْهَرَةٌ لِلْفَمِ، مَرْضَاةٌ لِلرَّبِّ».

[صحيح] - [رواه النسائي وأحمد] - [مسند أحمد: 24203]
المزيــد ...

Caa'isha- Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inay tiri: wuxuu yiri Rasuulka Ilaahay scw.
(Cadaygu afka wuu nadiifiyaa Ilaahayna wuu raali galiyaa).

[Xadiis Saxiix ah] - [Waxaa wariyay An-nisaa'i iyo Axmed] - [Musnadka Axmed - 24203]

Sharraxaad

Nabigu scw wuxuu sheegay in laanta geedka cadayga ah iyo wixii la mida uu ka nadiifiyo afka iyo ilkaha wixii wasakha ama ur ah. Wuxuuna ka mid yahay asbaabta u keenaysa adoonka Ilaahay raali ahaantiisa, waayo waxaa ku jira-cadayga adeecida Ilaahay iyo amarkiisa oo la qaato, iyo nadaafada Ilaahay jecel yahay.

Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish Indunuusi Luqadda iigoorka Luqadda Bengaaliga Faransiis Luqadda Turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda Hindida Luqadda Shiinaha Luqadda Faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda Tajaluga Kurdiga Hawsaha Boortaqiis Malayaalim Telgoo Sawaaxili Taymaali Boorma Taylaand Jarmal Japan Luqadda bushtuuga Asaami Albaani Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Yorba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda serbiga Luqadda daajiika Ruwanda Luqadda roomaaniya Luqadda hangeriga Luqadda jeegga Malgaashi Talyaani Oromo Luqadda kinaadiga Adrabijaan Luqadda usbiika Luqadda yukreyn
Bandhigga tarjumada.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Waa fadliga cadayga, iyo Nabiga scw oo jeclaysiyey ummaddiisa inay cadayga badsadaan.
  2. Rumay waxaa u fadli badan laanta geedka cadayga iyo isticmaalka burshka iyo macjuunka way gali karaan booska cadayga.