+ -

عن أبي هريرة رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم:
«مَنْ يُرِدِ اللهُ بِهِ خَيْرًا يُصِبْ مِنْهُ».

[صحيح] - [رواه البخاري] - [صحيح البخاري: 5645]
المزيــد ...

Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay scw wuxuu yiri:
"Qofkii Ilaahay khayr la doono wuu asiibaa."

[Xadiis Saxiix ah] - [Waxa wariyay Albukhaari] - [Saxiix AlBukhaari - 5645]

Sharraxaad

Nabigu scw wuxuu sheegay in Ilaahay haduu la doono khayr qof adoomadiisa muuminiinta ah, wuxuu itaxaan kaga rido xaga naftooda, maalkooda, ehelkooda, muumniintu waxay ka helayaan arinkaa inay Ilaahay magan galaan oo baryaan iyo in loo danbi dhaafo darajadoodana kor loo qaado.

Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish Indunuusi Luqadda iigoorka Luqadda Bengaaliga Faransiis Luqadda Turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda Hindida Luqadda Shiinaha Luqadda Faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda Tajaluga Kurdiga Hawsaha Boortaqiis Malayaalim Telgoo Sawaaxili Taymaali Boorma Taylaand Jarmal Japan Luqadda bushtuuga Asaami Albaani Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Yorba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda serbiga Luqadda daajiika Ruwanda Luqadda roomaaniya Luqadda hangeriga Luqadda jeegga Malgaashi Talyaani Oromo Luqadda kinaadiga Adrabijaan Luqadda usbiika Luqadda yukreyn
Bandhigga tarjumada.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Qofka muuminka ah waxaa lagu itaxaamaa balaayo kala duwan.
  2. itaxaanka muuminku marayo wuxuu calaamad u noqon karaa in Ilaahay jecel yahay adoonkiisa, oo darajadiisa kor u qaado, oo maqaamkiisa kor u qaado, dambigiisana dhaafo.
  3. Waxaa la isku boorinayaa marka masiibo dhacdo in la sabro oo aan la argagixin.