عن أبي هريرة رضي الله عنه أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال:
«أَقْرَبُ مَا يَكُونُ الْعَبْدُ مِنْ رَبِّهِ وَهُوَ سَاجِدٌ، فَأَكْثِرُوا الدُّعَاءَ».
[صحيح] - [رواه مسلم] - [صحيح مسلم: 482]
المزيــد ...
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey in Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri:
"Adoonku wuxuu ugu dhaw yahay Rabigi markuu sujuudsan yahay ee ducada badiya."
[Xadiis Saxiix ah] - [Waxa wariyay Muslim] - [Saxiix Muslim - 482]
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in adoonku markuu ugu dhaw yahay Rabigi ay tahay markuu sujuudsan yahay, taasina waa qofka tukanayaa wuxuu dhigayaa dhulka meesha ugu saraysa uguna sharaf badan jirkiisa isago Ilaahay casa wajala u khuduucaya, isuna dulaynaya oo u tawaaducaya isagoo sujuudsan.
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu amray in ducada la badiyo sujuuda dhexdeeda, waayo waxaa kulmaya in Ilaahay la isu duleeyo hadal ahaan iyo ficil ahaanba.