+ -

عن جابر رضي الله عنه قال: سمعت رسول الله صلى الله عليه وسلم يقول:
«أَفْضَلُ الذِّكْرِ: لَا إِلَهَ إِلَّا اللهُ، وَأَفْضَلُ الدُّعَاءِ: الْحَمْدُ لِلهِ».

[حسن] - [رواه الترمذي والنسائي في الكبرى وابن ماجه] - [سنن الترمذي: 3383]
المزيــد ...

Jaabir Ilaahay ha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: waxaan ka maqlay Rasuulka Ilaahay scw isagoo dhahaya:
(Dikri waxaa u fadli badan: laa Ilaaha Ilaa Allah, ducuna waxaa u fadli badan: Alxamdu lilaah).

[Xadiis Xasan ah] - [Waxaa wariyay At-tirmidi, An-nisaa'i oo Sunan kubraa ah iyo Ibnu Maajah] - [Sunan At-tirmidi - 3383]

Sharraxaad

Nabigu scw wuxuu sheegay in dikriga ugu fadli badni yahay: laa ilaaha ilaa Allaah, oo macnaheedu yahay: ma jiro Ilaah xaq lagu caabudo oo aan Allah ahayn, ducana waxaa ugu fadli badan Alxamdu lillaah, waana qirid kan nicmada bixiyaa inuu Ilaahay yahay, isagaa xaq u leh in lagu sifeeyo wanaag oo dhan.

Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish Indunuusi Luqadda iigoorka Luqadda Bengaaliga Faransiis Luqadda Turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda Hindida Luqadda Shiinaha Luqadda Faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda Tajaluga Kurdiga Hawsaha Boortaqiis Malayaalim Telgoo Sawaaxili Taymaali Boorma Taylaand Jarmal Japan Luqadda bushtuuga Asaami Albaani Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Yorba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda daajiika Ruwanda Luqadda roomaaniya Luqadda hangeriga Luqadda jeegga Malgaashi Talyaani Oromo Luqadda kinaadiga Adrabijaan Luqadda usbiika Luqadda yukreyn
Bandhigga tarjumada.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Waxaa la isku boorinayaa in lagu badiyo dikriga Ilaahay erayga towxiidka, ducadana erayga Alxamdu lillaah.