+ -

عَن عُمَرَ بنِ الخَطَّابِ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ قال: سَمِعْتُ النَّبِيَّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَقُولُ:
«لَا تُطْرُونِي كَمَا أَطْرَتِ النَّصَارَى ابْنَ مَرْيَمَ؛ فَإِنَّمَا أَنَا عَبْدُهُ، فَقُولُوا: عَبْدُ اللهِ وَرَسُولُهُ».

[صحيح] - [رواه البخاري] - [صحيح البخاري: 3445]
المزيــد ...

Cumar Binu Khadaab Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: waxaan ka maqlay Nabiga scw isagoo dhahaya:
((Ha ku xad gudbina amaantayda siday ugu xad gudubtay Nasaaradu Ibnu Maryam, anigu waxaan ahay adoon Ilaahay ee i dhaha adoonka Ilaahay iyo Rasuulkiisa)).

[Xadiis Saxiix ah] - [Waxa wariyay Albukhaari] - [Saxiix AlBukhaari - 3445]

Sharraxaad

Nabigu scw wuxuu reebay in xadka sharciga ah la dhaafiyo amaantiisa oo lagu sifeeyo sifaatka Ilaahay iyo ficilka Ilaahay u gaarka ah, ama in lagu sheego inuu og yahay qaybka, ama Ilaahay lala baryo, sida ay nasaaradu ku samaysay Ciise Ibnu Maryam nabadi korkiisa ha ahaatee. Ka dib wuxuu cadeeyey inuu yahay adoon Ilaahay, wuxuuna faray inaan isaga ku niraahno: adoonkii Ilaahay iyo Rasuulkiisa.

Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish Indunuusi Luqadda iigoorka Luqadda Bengaaliga Faransiis Luqadda Turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda Hindida Luqadda Shiinaha Luqadda Faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda Tajaluga Kurdiga Hawsaha Boortaqiis Malayaalim Telgoo Sawaaxili Taymaali Boorma Taylaand Jarmal Japan Luqadda bushtuuga Asaami Albaani Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Yorba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda daajiika Ruwanda Luqadda roomaaniya Luqadda hangeriga Luqadda jeegga Malgaashi Talyaani Oromo Luqadda kinaadiga Adrabijaan Luqadda usbiika Luqadda yukreyn
Bandhigga tarjumada.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Waxaa laga digayaa in la dhaafo xadka sharciga ah ee waynaynta iyo amaanta, waayo taasi waxay keenaysaa shirki.
  2. Arinkii Nabigu scw ka digay way ku dhacaday ummaddani, oo qolo waxay ku xad gudubtay Rasuulka Ilaahay scw, qolona waxay ku xad gudubtay Aalu Baytka, qolona waxay ku xad gudubtay owliyada Ilaahay, markaasay ku dheceen shirki.
  3. Rasuulka Ilaahay scw wuxuu naftiisa ku sifeeyey inuu yahay adoon Ilaahay, si uu u cadeeyo inuu yahay adoon Ilaahay Rabi u yahay, oo aysan banaanayn in la siiyo wax Ilaahay u gaara.
  4. Rasuulku scw wuxuu ku sifeeyey naftiisa inuu Rasuul Ilaahay yahay, si uu u cadeeyo in xaga Ilaahay laga soo diray oo ay waajib tahay rumayntiisu iyo raacidiisu.