عَنْ المُغِيرَةِ رضي الله عنه قَالَ:
كُنْتُ مَعَ النَّبِيِّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ فِي سَفَرٍ، فَأَهْوَيْتُ لِأَنْزِعَ خُفَّيْهِ، فَقَالَ: «دَعْهُمَا، فَإِنِّي أَدْخَلْتُهُمَا طَاهِرَتَيْنِ» فَمَسَحَ عَلَيْهِمَا.

Muqiirah-Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey inuu yiri:
Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayaan safar la galay, waxaan u foorarsaday si aan uga siibo labada khuf, wuxuu igu yiri: " iska daa, anoo weyso qaba ayaan geliyaye", uuna masaxay.

Xadiis Saxiix ah Xadiis la isku waafaqay Saxiix AlBukhaari - 206

Sharraxa

Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isagoo safaradiisii mid ka mida ku jira ayuu weyso qaatay. markuu soo gaaray labada Lugood, ayuu Muqiira Binu Shucba laacay si uu Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uga saaro khufkii cagaha ugu jiray, si uu Nabigu u dhaqo Lugaha! wuxuu yiri Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee: iska daa ha bixine , waxaaan gashaday labada Khuf anoo dahaara qabee, Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuu masaxay labadii Khuf mana dhaqin Lugihiisa.

Faa`iidooyinka Xaddiiska

  1. Marka laga weyso qaadanayo xadaska yar waa sharci in la masaxo khufaynka, laakiin marka laga qubaysanayo xadaska weyn waxaa lagama maarmaan ah in la dhaqo Cagaha.
  2. Masaxidu waa hal mar oo Gacanta oo qoyan la mariyo khufka korkiisa oo aan xaga hoose laga masaxin.
  3. Waxaa loo shardiyaa masixitaanka labada khuf in marka hore la weyso qabo oo Cagaha Biyo lagu dhaqay ka dibna la gashaday, khufkuna waa inuu yahay daahir, asturaayana Lugta inta ay waajibka tahay in la dhaqo, masixitaankuna wuxuu ahaanayaa xadaska yar ka dib, Qofkii janaaba qaba ama qubays ku waajibay ma masaxayo khufka, masixitaankuna waqti go'an buu leeyahay xaga shareecada, waana habeen iyo maalin qofka aan safarka ahayn, iyo seddex maaal mood iyo habeenadooda oo qofka musaafirka ah.
  4. Waxaa looga qiyaas qaadanayaa labada khuf wax kastoo astura Lugaha sida Sharabaadada iyo qayrkood, weyna banaan tahay in la masaxo.
  5. Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu lahaa akhlaaq wanaagsan iyo wax baritaan wanaagsan, isagoo u diiday Muqiira inuu ka baxsho labada khuf, sababtana u cadeeyey, taasoo ah inuu gashaday khufka isagoo weyso qaba, si uu Muqiira u fahmo, xukunkana u ogaado.

Bandhigga Tarjamooyinka

58 Luuqadda
EN English الإنجليزية
UR اردو الأوردية
ES Español الإسبانية
ID Indonesia الإندونيسية
UG ئۇيغۇرچە الأيغورية
BN বাংলা البنغالية
FR Français الفرنسية
TR Türkçe التركية
RU Русский الروسية
BS Bosanski البوسنية
SI සිංහල السنهالية
HI हिन्दी الهندية
ZH 中文 الصينية
FA فارسی الفارسية
VI Tiếng Việt الفيتنامية
TL Tagalog تجالوج
KU Kurdî الكردية
HA Hausa الهوسا
PT Português البرتغالية
ML മലയാളം المليالم
TE తెలుగు التلغو
SW Kiswahili السواحيلية
TA தமிழ் التاميلية
MY မြန်မာ البورمية
TH ไทย التايلندية
DE Deutsch الألمانية
PS پښتو بشتو
AS অসমীয়া الأسامية
SQ Shqip الألبانية
SV Svenska السويدية
AM አማርኛ الأمهرية
NL Nederlands الهولندية
GU ગુજરાતી الغوجاراتية
KY Кыргызча القيرقيزية
NE नेपाली النيبالية
YO Yorùbá اليوروبا
LT Lietuvių الليتوانية
PRS دری الدرية
SR Српски الصربية
TG тоҷикӣ الطاجيكية
RW Kinyarwanda الكينياروندا
RO Română الرومانية
HU Magyar المجرية
CS Čeština التشيكية
MOS Moore الموري
MG Malagasy المالاجاشية
OM Oromoo الأورومو
KN ಕನ್ನಡ الكانادا
WO Wolof الولوف
AZ Azərbaycan الأذربيجانية
UZ O‘zbek الأوزبكية
UK Українська الأوكرانية
KA ქართული الجورجية
MK Македонски المقدونية
KM ភាសាខ្មែរ الخميرية
PA ਪੰਜਾਬੀ البنجابية
MR मराठी الماراثية
KMR Kurmancî الكرمنجية