+ -

عن معاوية رضي الله عنه قال: سمعت النبي صلى الله عليه وسلم يقول:
«مَنْ يُرِدِ اللهُ بِهِ خَيْرًا يُفَقِّهْهُ فِي الدِّينِ، وَإِنَّمَا أَنَا قَاسِمٌ، وَاللهُ يُعْطِي، وَلَنْ تَزَالَ هَذِهِ الْأُمَّةُ قَائِمَةً عَلَى أَمْرِ اللهِ، لَا يَضُرُّهُمْ مَنْ خَالَفَهُمْ، حَتَّى يَأْتِيَ أَمْرُ اللهِ».

[صحيح] - [متفق عليه] - [صحيح البخاري: 71]
المزيــد ...

Mucaawiye Allaha ka raali ahaade wuxuu yiri: waxaan ka maqlay Nabiga scw isagoo dhahaya:
(Qofka Ilaahay la doono khayr diinta ayuu fahamsiiyaa, anigu qaybiye ayaan ahay, Ilaahay ayaa wax bixiya, ummaddaani ka suulimayso inay xaqa ku taagan tahay mana dhibayso cidii khilaafta ilaa amarka Ilaahay yimaado.)

[Xadiis Saxiix ah] - [Xadiis la isku waafaqay] - [Saxiix AlBukhaari - 71]

Sharraxaad

Nabigu scw wuxuu sheegay qofka Ilaahay khayr la doono inuu ku irsaaqo fahamka diinta, Nabiguna scw uu yahay mid u qaybiya dadka waxa Ilaahay bixiyo ee risiq iyo cilmi iyo wixii kaleba, irsaaq bixiyaha dhabta ahina waa Ilaahay, wixii Ilaahay ka soo harayna waa asbaab aan waxba tarayn in Ilaahay u idmo maahee, ummaddaanina ka tagimayso inay amarka Ilaahay ku taagan tahay, mana dhibayso cidii khilaataa ilaa qiyaamuhu dhoco.

Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish Indunuusi Luqadda iigoorka Luqadda Bengaaliga Faransiis Luqadda Turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda Hindida Luqadda Shiinaha Luqadda Faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda Tajaluga Kurdiga Hawsaha Boortaqiis Malayaalim Telgoo Sawaaxili Taymaali Boorma Taylaand Jarmal Japan Luqadda bushtuuga Asaami Albaani Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Yorba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda serbiga Luqadda daajiika Ruwanda Luqadda roomaaniya Luqadda hangeriga Luqadda jeegga الموري Malgaashi Talyaani Luqadda kinaadiga الولوف البلغارية Adrabijaan Luqadda yukreyn الجورجية
Bandhigga tarjumada.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Fadliga wayn ee cimliga shareecada iyo barashadiisu leeyihiin iyo isku boorintiisa.
  2. Waa lama huraan in xaqa lagu taagnaado oo ummaddan laga dhex helo xaqa, oo hadii qolo ka tagto qolo kale ay ku taagnaato.
  3. Diinta in la fahmo waa khayr Ilaahay la doonay adoonkiisa.
  4. Nabigu scw wuxuu wax ku siiyaa amarka iyo doonista Ilaahay, ee isagu waxbana mahaysto.