+ -

عن عمر بن الخطاب رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم:
«إِنَّمَا الْأَعْمَالُ بِالنِّيَّةِ، وَإِنَّمَا لِامْرِئٍ مَا نَوَى، فَمَنْ كَانَتْ هِجْرَتُهُ إِلَى اللهِ وَرَسُولِهِ، فَهِجْرَتُهُ إِلَى اللهِ وَرَسُولِهِ، وَمَنْ كَانَتْ هِجْرَتُهُ لِدُنْيَا يُصِيبُهَا أَوِ امْرَأَةٍ يَتَزَوَّجُهَا، فَهِجْرَتُهُ إِلَى مَا هَاجَرَ إِلَيْهِ». وفي لفظ للبخاري: «إِنَّمَا الْأَعْمَالُ بِالنِّيَّاتِ، وَإِنَّمَا لِكُلِّ امْرِئٍ مَا نَوَى».

[صحيح] - [متفق عليه] - [صحيح مسلم: 1907]
المزيــد ...

Cumar Binu Khadaab Allaha ka raali ahaadee wuxuu yiri Rasuulka Ilaahay scw ayaa yiri:
"Camalku wuxuu ku ansaxayaa niyada, qof walbana wuxuu niyoodo ayuu leeyahay, qofka hijradiisu tahay Ilaahay iyo Rasuulki dartood, hijradiisu xaga Ilaahay iyo Rasuulkiisa ayey ahaatay, qofkase hijiradiisu ahayd inuu aduunyo helo ama haweeney uu guursado darteed, hijradiisu waa waxa uu u soo hijrooday uun ". Ruwaayada Bukhaarina waxay ahad: " acmaashu waa niyada uun, qof kastana wuxuu niyeystay uun buu leeyahay. "

[Xadiis Saxiix ah] - [Xadiis la isku waafaqay] - [Saxiix Muslim - 1907]

Sharraxaad

Nabigu scw wuxuu cadeeyey in camalka dhamaanti niyada loo eegayo, xugunkaasina waa dhamaan camal walba sida cibaadada iyo mucaamalaadka oo dhan, qofka camalkiisa u niyeysta inuu nafac helo ma helaayo wax aan nafacaas ahayn mana helaayo ajar, qofkiise niyeysta inuu Ilaahay ugu dhawaado camalkiisa wuxuu ka helyaa sawaab iyo ajar hadii xataa uu yahay camal caadi ah sida cunida iyo cabida.
Nabigu scw tusaaluu u soo qaatay si uu u cadeeyo saamaynta ay niyadu ku leedahay camalka, iyadoo acmaashu siman tahay muuqaalkooda guud, Nabigu wuxuu cadeeyey qofka u niyeysta hijradiisa ee dalkiisa uga safra Ilaahay raali galinti, hijradiisu waa mid sharci ah oo Ilaahay aqbalayo, kana ajar siinayo niyadiisoo runa awgeed, qofka hijradiisa u niyeysta inuu nafac aduun helo sida xoolo, jago, ganacsi iyo dumar uu guursado hijradiisa kama helaayo nafacaa uu niyeystay mooyee mana helaayo ajar iyo sawaab.

Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish Indunuusi Luqadda iigoorka Luqadda Bengaaliga Faransiis Luqadda Turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda Hindida Luqadda Shiinaha Luqadda Faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda Tajaluga Kurdiga Hawsaha Boortaqiis Malayaalim Telgoo Sawaaxili Taymaali Boorma Taylaand Jarmal Japan Luqadda bushtuuga Asaami Albaani Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Yorba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda serbiga Luqadda daajiika Ruwanda Luqadda roomaaniya Luqadda hangeriga Luqadda jeegga Malgaashi Talyaani Oromo Luqadda kinaadiga Adrabijaan Luqadda usbiika Luqadda yukreyn
Bandhigga tarjumada.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Waxaa la isku booriyey ikhlaaska, waayo Ilaahay ma aqbalo camal aan isaga darti loo samayn.
  2. Acmaasha Ilaahay loogu dhawaado hadii qofku u sameeyo si caado ahaana ajar kama helaayo, ilaa uu u niyeysto inuu Ilaahay ugu dhawaado.